Halkani Ka Akhriso Dhokomantigii Dacwadda Ay Shariikadda TOTAL MER ROUGE Ku Soo Oogtay Xukuumadda M/weyne Siilaanyo Iyadoo Adeegsanaysa Garyaqaanadda TRILLAT 8. Assocnâs

Posted by on Jun 3rd, 2012 and filed under Editorial, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Paris (Halbeegnews)– Sidaanu akhristayaal idiinku ballan-qaadnay shallay warkayagii ku saabsana dacwad ay shariikadda TOTAL oo heshiis kula jirtay Somaliland ku soo oogtay Xukuumadda Siilaanyo ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo baab’iyey heshiiskaasi iyadoo aan loo cuskan baab’intaasi wax sabab ah.

Haddaba Bishii February ee sannadkani ayaa Shariikadda TOTAL oo adeegsanaysa garyaqaanadda Trillat Assocnas waxay waraaq u direen sida sharciga caalamiga ahi dhigayo Xukuumadda Siilaanyo ay kaga codsanayaan inay faahfaahin ka bixiyaan sababta loo baab’iyey heshiiskaasi, iyadoo xilliga waraaqdaasi la qoray hadda laga joogo seddex bilood ilaa xilliga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax jawaab ah kama ay soo bixin, waxaana dhawaan la filayaa sida waraaqda ay Garyaqaanadda Shariikadda TOTAL ee Trillat Assocnas ku sheegayaan inay dacwadda ka furaan maxkamadda sare ee dalka faransiiska oo dhegaysan doonta.

Haddaba Nuqulkii qoraalka Garyaqaanadda Trillat ay Madaxweyne Siilaanyo u dirtay ee aanu ka soo jawaabin oo Halbeegnews ay u suurtagashay inay hesho noqotana haayadda keliya ee warbaahineed ee afka Soomaaliga ku hadasha ee heshay dhokamantigani ayaanu doonayna inaanu markii ugu horeeyey idiin soo gudbino, Dacwaddani ayaa haddii ay furanto isla markaana Xukuumadda Siilaanyo qabsan waydo garyaqaana difaaca waxaa ku dhici doona Somaliland ay ugu yartahay in shakhsiyadaha ku jira Xukuumadda laga xayiro hantidooda isla markaana Somaliland la geliyo goob ka caagan maalgelinta caalamiga ah (Risk Zone for international investment) waxaana lagu qaadi kara xukunka loo yaqaano Offense Panel (dhac hanti shariikadeed), haddana dhokomantigaasi Dacwadda lagu soo oogay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee lagu ogaysiinayo Akhris wacan:

 

HKiiska dacwadda oo dhawaan furmaya si toos ah ugala soco Halbeegnews

Halbeegnews, Paris

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 544 times.

Categories: Editorial, featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright