Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyda Somaliland, Mudane Ahmed Mohamed Mohamoud
Dhammaan Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Xeerdhowrka Jamuhuuriyadda Somaliland
Dhammaan Mudanta Madaxdhaqameedka iyo Shacbiweynaha Somaliland
3. Inay u arkaan inay dhalinyaradu aad ugu qaldanaayeen weerarkay ku qaadeen ciidanka dhulkaas soo degay
4. Inay aaminsan yihiin inay qalad wayn, degdeg iyo masuuliyad-daro ahayd taldadii lagu gaadhay in Maxkamada Militari la soo taago dhalinyarada lagu eedeeyay inay ciidanka weerareen. Degdegaas iyo masuuliyad-daradaas oo khasaare badan u gaysatay Sumcada Dawlada iyo Dalkaba, una ekay siisay inay Somaliland ku jirto xaalada dagaal iyo deganaansho-liyeed oo caalamka oo dhan lagu baahiyay.
5. Inay dhaleecaynayaan ” Si-xun wax u-sheega” ay ka mid yihiin warbaahinta qaar wararka si qaldan u faafiyay iyo dad muraad siyaasadeed leh oo dhacdada uga hadlay si aan haboonayn oo khatar u keenaysa Amniga iyo Sumcada Qaranka; Dadkaas oo adeegsaday eryada “maleeshiyo Beeleed” ..iwm
6. Inay si buuxda ugu taageerayaan Madaxda beesha iyo Xukuumadda Somaliland xal u-helida mashaqada dhacday iyo xaalada ay abuurtay.
Si loo suggo Nabadgalyadda dalka, loona hubiyo Xasiloonida Ciidanka Qaranka; Si loo kasbo Kalsoonida Shacbiga; Si ay Sumcadda Dimuqraadnimo iyo Cadaalad-sugineed ee Dawladda Somliland uga kabato dhaawacii dhacdadaasu gaadhsiisay, waxay Qurbejooga Beeshu u soo jeedinayaan Madaxweynaha Somaliland, Mudane Ahmed Mohamed Mohamoud, qodobada hoose ku qoran:
1. Inuu talaabo ku haboon ka qaado ciddii bixisay ama wax ka ogayd amarka ina dhaxalsiiyay mashaqadii Caasimadda ka dhacday, iyo talaabooyinka masuuliyad-daro ee sababay dhimasho iyo dhawac dad ciidanka ka mid ah iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo la heli kari lahaa xal saliim ah iyo arrinta oo nabadgalyo lagu dhameeyo.
3. In kiiska dhalinyarada lagu eedeeyay shaqaaqadaa si dhaqso ah looga wareejiyo maxkamada militari oo lagu wareejiyo maxkamad rayid ah .
Gunaanad ahaan, waxay ku baraarujinayaan Dadka Reer Somaliland Dawlad iyo shiciba inay meel uga soo wadajeestaan illaalinta midnimada, xasiloonida iyo nadgalyadda Dalka iyo Dadkaba.
Somaliland ha guulaysato, ha jirto, hana waarto!
Gudida Beesha Habaryoonis ee Waqooyiga Ameerika
This post has been viewed 490 times.







