Hadaynu isku dayno inaynu wax ka xusno taariikhda uu halganka ku lahaa ilaahay haw naxariistee Mujahid Maxamed cali oo ahaa mujaahidiintii halganka SNM door wayn ku lahaa marka loo eego dhinaca mulateriga iyo dhinaca siyaasadaba inagoo taariikhdiisa ku soo koobi karayn maqaal meel lagu qoray oo ay ka baaxad weyntahay ayaan waxaan jeclaystay maadaama oo aynu joogno waqti dalka somaliland xusuus ka mudan kaas oo ah bisha May bishaas oo ay ku dhex jirto laba munaasibadood oo somaliland ku qaaliya ku waas oo kala ah 18 May 1991 kii oo ku beegan maalintii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada xornimadii 1960 kii ka luntay markii ay la midoobeen koonfurta somaliya iyo 27 May 1988 kii oo iyana ahayd maalin xusuusteeda mudan maalintaas oo xoogagii dhaq dhaqaadii SNM ay ka dhex tooseen magaalada burco,
maalintaas oo lagu tilmaami karo maalintii xoriyada somaliland waayo waxaa maalintaa adhaxda ka jabay xoogii ugu balaadhnaa iyo awoodii ciidankii siyaad bare, ma aha macnaha guusha inaad cadawgaaga halmar wada bur buriso oo aad ka adkaato laakiin markuu ogaado awooda aad uleedahay inaad burburin kartid waa guusha ugu mihiimsan ee aad gaadhi kartid, maalintii rasuulkeena suuban uu maka furtay NNKHT maalintaas oo loo bixiyay fatxul maka ayaa waxaa uu gugu yimid kabcada sharfan sadex boqol iyo dhowr iyo lixden sanan kuwaas oo qurayshi ku caabudi jirtay markaasaa isagoo gacantiisa ku bur burinaya waxa uu lahaa (jaa,a xaq wasahaqa baadil) xaqii ayaa yimid baadilkiina waasuulay,
reer somaliland maalintaas fadxul maka waxaa uga dhignayd jimcihii 27/05/1988 kii iyagoo iyaguna maalintaas lahaa xaqii baayimid oo baadilkii ayaa suulay maanta!,
hadaba hadaynu waxyar halkan ku xusno Mujaahidka waynaa ee Maxamed cali ilaahay haw naxariistee isaga iyo intii kale ee halgankaa ku shahiidayba Mujaahid Maxamed cali waxa uu ahaa Mujaahidkii ugu horeeyay ee SNM ciidan ula gala markii lagu dhawaaqay iyadoo aanay jirin garab mulateriya oo ka tirsan SNM oo meel jooga, waxa uu ciidan ku haystay xerada layidhaah gora cowl, cidankaas oo uu markii hore u tababaray inay la dagaalamaan ciidamadii Ethopiya ku waas oo uu mudo ku tababarayay halkaas,
Mujaahid Maxamed Cali waxa uu ilaahay SWT ku manaystay ama uu siiyay wax u gaara oo ah burji ama haybad taas oo ka muuqatay, waxa uu ilaahay SWT uu awood u siiyay in cadawgiisu isagoon soo gaadhin marka loo sheego uu masaafo fog kaga baqo! waxa ibadani xusuusataa bulshadii nolayd xiligii halganka lugu jiray in marka la sheego in Mujahid Maxamed Cali Burco ama Hargaeysa soogalay ay faqashtu iskeed isaga xaroon jirtay xeryahooda oo dhaq dhaqaaqoodu yaraan jiray iyagoo ka baqaaya inuu dhibaato ama afduub mid uun u geysto, waxa uu ilaahay haybad u siiyay oo uu awood ulahaa inuu iyadoo aanay cid SNM katirsani ogayn intuu ciidan gaara iska kaxaysto uu meel aan markaas loo filayn ka dhex tooso! waxa uu ahaa shakhsi aan ka daalin halganka oo marwalba u taagan inuu ambush ama dagaal goriilayn ah sameeyo oo aanu marnaba cadowga u ogolaan inay nastaan oo hurdo seexdaan, hawgaladii uu sameeyay intii uu halganka ku jiray wax lasoo koobi karo maaha ilaahay hawnaxariistee,
Mujaahid M axamed Cali maalintii 27 May 1988 kii isagu waxa uu ka xaystay ciidankii dagaalka ka galay cadaadlay ilaa mandheera jiidaas dhexe ee faqashtii joogtay u diiday inay gurmad u sameeyaan ciidamadii faqashta ahaa ee kala joogay Burco iyo Hargeysa ku waas oo uu ka dhigay wax la laayay iyo in firxatay, markii uu ciidankaa cagta soo mariyay ayuu waxa uu gurmad ugu yimid ciidan kii burco oo uu ka dhaawacmay taliyihii hogaaminayay oo ahaa Mujahid Axmed Mire Nuux oo isagu isla maaintii uu burco ka dhex toosayba madaxa xabadi kaga dhacday oo dhaawac ahaan loo qaaday dhankaas iyo qaaxo, markii Mujahid Axmed Mire dhaawacmay waxaa ciidankii SNM ee burco joogay isaga kala danbeeyay dhowr Mujaahid oo iyana noqday wax dhaawacma iyo wax dhinta waxaa ku yardhacay ciidanka hogaamin la,aan kadib waxaa yimid Mujaahid Maxamed Cali oo la wareegay hogaankii ciidanka halkaas oo uu ka sii waday halgankii qiimaha badnaa,
Mujaahid Maxamed Cali ilaahay ILAHAY HNT waxa uu isna ku shahiiday dagaal qadhaadh oo ka dhacay tuulo yar oo u dhow magaalada burco oo layidhaah Xaqayo malaas oo dhinaca galbeed kaga toosan agteeda halkaas oo ay isku haleeleen cadowga faqashta isagoo ay markii hore soo gaadhay dhaawac halisa oo xabadi kala goysay halbowlaha muruqyada lugaha kadibna intii dhaawaca loo sii siday uu dhiigbaxay oo uu ku shahiiday waxaan leenahay ilaahay hawanaxariisto isaga iyo intii naftooda iyo dhiigooda u daadisay xoraynta dalka ee habeen iyo maalin dhufayska ugu jirtay aamiin, weligeedna waxaa iska sune in tacab ragsoogalo ay midha heeda gurtaan nimaan habeen u soo dhixin oo waa sunaha ilaahay, Mujahidintaasna halgankoodu muu ahayn inay iyagu dalka wax ka noqdaan ee waxa uu ahaa inay dalka cadowga ka xoreeyaan taariikhna ka tagaan waxaase meesha taala inaan tacabkoodii la khasaarayn oo laga dhigin hal bacaad lagu lisay iyo inaan la dayicin ubad kii ay ka tageen iyo taariikh dooda oo la xuso,
intaas yar ee gaaban ayaan ku soo gabagabay nayaa taariikhdaa yar ee aan ka sheekeeyay Mujaahid kaa waynaa Maxamed Cali ILAAHAY HNT waxaanay iga ahayd uun xasuusin ee waxba kamaan sheegin taariikhdiisii.
Aadan Axmed Nuur
Dublin Ireland
This post has been viewed 541 times.






