Wakiilka Haayadda Qurbe Jooga Iyo Xidhiidhka Jaaliyaddaha Somaliland Ee UK Cabdiraxmaan Ubaxle Wuxuu Hambalyo U Diraya Jaaliyadda Somaliland UK Sidii ay U Xuseen Maalintii Qaranimadooda 18 May

Posted by on Jun 1st, 2012 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Asalaamu Calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatul.
Anigoo ku hadlaaya magacayga iyo kan Hayada Qurba-jooga Somaliland waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo dirayaa dhamaan jaaliyadaha Qurbajooga somaliland ee ku kala filiqsan daafaha dunida gaar ahaana kuwa degan wadanka Boqortooyada Ingriiska ( UK ), waxaan jaaliyadaha ugu hambalyeynayaa sidii hawlkarnimada iyo wadaniyada lahayd ee ay u xeseen maalinta qaaliga inagu ah ee 18May oo ah maalintii aynu dib ula soo noqonay gooni isu taageenii.

Abdirahman Ali Ubaxle--Wakiilka hayada Qurba-joga & xidhidhka jaliyadaha ee UK

Jaaliyadaha qurbajoogu sanadkan oo ahaa kii 21aad ee ka soo wareegay dib uga laabashada Midowgii hungowga laga qaaday waxay u xuseen si wada jira oo ay ka muuqatay isku duubni iyo wadaniyad, sidaa darteed Hayada qurbajooga oo ah hayada loo sameeyey isku xidhka iyo wax wada qabsiga Jaaliyadaha qurba-joogu waxay ugu hambalyeynaysaa wadaniyadii ay muujiyeen qurbajoogu, waxaanuna ku boorinaynaa jaaliyadaha qurbajooga inay halkaa ka wadaan isku xidhnaantooda iyo wada jirkoda si ay u noqdaan tiir adag oo wadankooda wax u tara kana difaaca cadowga hadba meesha ay joogaan.
Hayada Qurba-joogu waxay mar kasta idiinla diyaar tahay inay idin dhiiri geliso sidoo kalena ay idiin soo gudbiso xogta lagama maarmaanka ah ee aad uga baahataan dalkiinii hooyo, sida maalgashiga , baahiyaha bulshada ee u baahan in wada jir wax looga qabto, iyo siyaabaha ugu haboon ee qurbajoogu ay dalkoodii dib ugu degi lahaayeen.
Si aad xogahaas u hesho ha moogaan Xafiiska Hayada qurbajooga & Xidhiidhka jaaliyadaha ee  Somaliland oo xaruntiisa weyni ku taalo caasimada Somaliland Hargeysa, xaruntiisa Dibeduna ku taalo Caasimada labaad ee wadanka Ingiriiska magaalada Birmingham.
Wa bilaahi towfiiq
Abdirahman Ali Ubaxle
Wakiilka hayada Qurba-joga & xidhidhka jaliyadaha ee UK
Birmingham Uk

This post has been viewed 302 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright