Dawladda Somaliland oo Hakisay Safar Saylici ku tagi lahaa Jabuuti iyo dareeno ka dhashay Martiqaad Madaxweyne Geelle u fidiyay Raysal wasaaraha Somaliya

Posted by on May 28th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaamin lahaa oo maanta u bixi lahaa Dalka Jabuuti ayaa dib u dhacay wakhti aan la garanayn kadib markii ay Xukuumadda Somaliland shaki ka galay wefti uu hogaaminayo Raysal Wasaaraha Somaliya oo ay Xukuumadda Jabuuti dhinaca kale ka martiqaaday, kaasoo ka dagay dalka Jabuuti iyadoo ay isku soo beegmeen labada mariqaad.

Ilaa hada lama oga sababta ay Xukuumadda Jabuuti labada wefti mar kaliya u wada marti qaaday hase yeeshee sida muuqata Xukuumadda Somaliland waxa galay dareen ah in lagu sawirayo ama uu jiro qorshe hoose oo lagu dabayo oo loogu talogalay in beesha caalamka lagu sawiro, balse ilaa hada ma cada inay si rasmi ah Somaliland uga noqotay Casuumadaas iyo inay raad-gadanayso oo ay maalmo kadib marka weftigaasi tago u weydaaran doonto.

Sida ay warar hoose sheegeen martiqaadka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa ku saxeexan Raysla wasaaraha Jabuuti Dilayte Maxamed Dilayte waxaana Somaliland laggu soo gaadhsiiyay magaca Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ilaa hadana lama oga sababta Casuumadaas iyo waxa ay daarantahay, wallow marka la eego xidhiidhka labada dal ee jabuuti iyo Somaliland ay wakhtiyadan danbe ka jiraan xidhiidho hoose oo ganacsi iyo kuwa dhulba hadana labada dal midkood-na ma cadayn martiqaadkan waxa uu daaran yahay.

Waxase dareen xaasaasi ah oo ka baxsan xidhiidhka aynu soo sheegnay dhaliyay markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo Raysal Wasaare Dillayte ay qaabileen wefti kale oo uu hogaaminayo Raysal Wasaare Cabdi/weli Gaas kaasoo ay madaxda Jabuuti ka jeediyeen kulankooda hadalo taageero ah oo lagu garab taagan yahay Dawladda Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed  ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyey sida uu isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna sheegay in Madaxweynaha Djbouti uu yahay Aabaha Soomaaliyeed oo marwalba u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisulwasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey madaxweyanaha sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Djibouti. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti ciidamadii dalka Djibouto oo ku sugan Soomaaliya oo ka mid ah AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhinacyo badan sida amniga, dastuurka, maamul wanaaga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sidoo kale u faahfaahiyey Madaxweynaha Djibouti heshiikii Addis Ababa oo uu sheegay inuu ahaa heshiis taariikhi ah oo jadwal mucayan ah loo sameeyey sidii loo soo afjari lahaa xilliga KMG ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan kale oo gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte oo Qado sharaf u sameeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Djibout ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay ka go’antahay sidii Soomaaliya loo saacidi lahaa oo looga saari lahaa marxaladdan adag. isagoo sheegay inuu arrimaha Soomaaliya si joogta ah ugala hadlo beesha caalamka. Madaxweynahu waxuu u rajeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in EEBBE la garab galo dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee socda, una xaqiijiyey in Dowladda Djibouti ay marwalba diyaar u tahay garab is taaga shacabka Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee waxa la sugayaa maadaama Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisu wali ku dhagan yihii taageerada Dawladda Somaliya kana wadahadleen halka xaal u marayo, waxay kala mutaan weftiga Somaliland oo Mugdi badani ku jiro waxa ay la shir tagayaan ama loo martiqaaday ee la weydiisan doono.

Dhinaca kalena, Inkasta oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo safar lagu martiqaaday oo uu kaga qayb gali lahaa Shirka Istanbul loogu qabanayo kooxaha Somaliya uu uga nagaaday safarka Madaxweyne ku-xigeenku ku tagi lahaa dalka Jabuuti, hadana waxa muuqata inay isku soo hagaagayaan qorshayaal is-duqaynaya oo dhinac wax loogu wado sidii Somaliya arrimaheeda looga dhaadhicin lahaa Somaliya ama beesha Caalamka ee kale haloo soo adeegsado ama dalalka Jaarka’e. mana cada inuu Madxweyne ku-xigeenkiisa ka joojin doono iyo inkale safarkii uu jabuuti ku tagi lahaa, inkasta oo ay warar xalay na soo gaadhay sheegayeen in weftiga Madaxweyne ku-xigeenku Jabuuti tagi doono Khamiista soo socota.

Xigasho Wergeyska Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 386 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright