Qaabka Loo Maray Xil-ka Qaadista Wakiilkii Somaliland ee UK Waxay Muujinaysa Fashilaadda iyo Jahawareerka Ka Muuqda Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Ee Siilaanyo

Posted by on May 28th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Tan iyo intii ay xukuumada axmed siilanyo xilka la wareegtay ayaa waxaa ka muuqanaya dhinaca wasaarada arima dibada iyo shaqaalaha ka tirsan wasaarada isaqab qabsi dhinaca maamulka ah, mudo aan sidaas u sii fogayn waxaa dhacday in agaasimahii wasaarada arimaha dibada mudane;maxamuud raage iska casilay xilkii uu wasaarada arimaha debada u hayay isagoo sabab uga dhigay xilka tagidiisa musuq maasuq hadheeyay wasaarada uu agaasimaha guud ka ahaa dhaliishaas oo uu dusha u saaray wasiirka arimaha dibada,

waxyar ka dib iscasilaada mudane; raage waxay xukuumada somaliland ka soo daba tuurtay maalmo yar ka dib xilkaqaadis ay ka muuqato inay dhaliishii mudane maxamuud raage ku qariso taas oo la odhan karo waa boodh isku qaris! waxay xukuumada kunoqotay fashil dhinaca maamulka ah sababtoo,ah masuul shaqadii iska casilay mudo hore oo laga daba keenay waraag xilka qaadis ah xitaa qoraalaka looma dhigin waanu kaa aqbalay iscasilaadaas mudane raage, waxay iscasilaada mr;raage ku noqotay xukuumada filan waa! iyo fajiciso,

hadana waxaa maanta aynu la wada soconaa safiirkii UK ufadhiyay xukuumada somaliland mudane axmed sangore inaan xilka qaadis tiisa sife sharciya loo marin oo isagoo xafiis kii sii fadhiya masuul kale oo waraaq magacaabisa sitaa ugu yimid taasina waxay muujinaysaa masuuliyad darada iyo maamul xumada haysata xukuumada siilaanyo oo xitaa aan wax xushmada la siin masuulkii markii hore loo xushay xilkan inuu hanan karo waayo xilku waa meerto maalinba qof ayaa haya waana sunaha dowladnimo laakiin waxaa sharf daro ah in masuul xil lagu aaminay hadana si qawaaniinta caalamiga ka baxsan loogu bahdilo marka xilka laga qaadayo,

waxaynu kale oo aynu la soconaa masuuliyiinta xukuumadu ku eedaysan inay raashin lunsadeed ee weli jeelka ku xidhan inay iyana tahay masuuliyad daro xadhiga lagu sameeyay sababtoo ah iyagoo masuuliyiin qaran ah oo dalka xilal ka haya ayaa laska xidh xidhay iyadoo aan wax cadayn ah lagu hayn inay danbigaas qayb ka ahaayeen iyo inkale waxay xukuumadu karti u yeelan kari wayday inay shaqada ka joojiso oo iyagoo guryahooda jooga baadhis mugleh ku samayso iyadoo sirdoonkeeda adeegsanaysa kadib hadii danbi ku cadaado maxkamad lataago waayo qof sharciga ka sareeyaa ma jirto ilaa madaxweynaha ilaa muwaadinka waana loo simanyahay laakiin waxaa fashil siyaasadeed iyo mid maamul kugu keeni kara qof masuula oo aanad wax cadayna ku hayn inaad iska xidho oo beri marka wax lagu waayo aad hadana sii dayso adigoo siidayn tiisa sifo sharcidaro ah umaraaya oo leh cafis iyo wax lamida ayaan ku siidaynayaa oo aad karaamadiisii iyo xuquudiisii muwaadin lumisid!,

waxaa kale oo iyana sidaas sharciga ka baxsan loo xidh xidhay iyadoo wax cadayna lagu hayan masuuliyiin ka shaqaynayay dowlada hoose ee degmada burco oo uu ka mid ahaa xoghayihii degmada mudane c/raxmaan, agaasimahii waaxda maaliyada, xisaabiyihii dowalada hoose, ragaas oo mudo sideed bilood ah jeelka burco ugu xidhnaa musuq maasuq lagu eedeeyay ragaas oo markii wax danbiya lagu waayay ay maxkamadi siidaysay ayaa iyaguna meeshaas ku waayay shaqadii ay qaranka u hayeen iyo karaamadoodii ay umada ku dhex lahaayeen oo aanay dowladu wax magdhaw ah siinin taasina waxay muujinaysaa deg dega iyo maamulxumada haysata xukuumada siilanyo waxaanay noqotay gaadhi uu darewal ka yahay nin idho la oo marba qof jiidhaya! iyo  falaadhii cirka loo tuuray qofwalowba filo!

waxa kale oo iyana haysata xukuumada siilanyo siyaasad xumo dhinaca siyaasada arimaha dibada sababtoo ah sadex dii wiigba marbay war murtiyeed soo saaraysaa kaas oo ay marna ku ogolaanayso marna ku diidayso ka qaybgalka shirarka loo qabanayo somaliya waxaanay kala garan la dahay shirarkaas waxa dan iyo dhibaato ugu jira waanay iskaga dhex yaacsantahay,

hada waxaa dhawaan la qabanayaa shir ka dhacaya dalka turkiga kaas oo ay horboodayso dowlada ingiriisku iyo dowlada turkiga oo iyana dalkeeda lagu qabanayo markaas xukuumada siilanyo waxaa u kala cadaan la shirku ma mid siyaasadeed baa mise waa mid somaliya dhaqaale loogu uruurinaayo oo khayriya taasina waa lajaan qaad la,aanta dhinaca siyaasada arimaha dibada ee haysata xukuumada siilanyo oo sida dabaysha isu bed bedelaysa,

hadaba ma wasiirka shaqada haya ayaan la jaan qaadi karayn oo u baahan in xilka laga qaado mise waa mid haysata dhamaan xukuumada uu wasiirka ka yahay oo fashilan? su,aashas shacabkaan u dhaafayaa.


This post has been viewed 332 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright