Hargeysa (Halbeegnews)– Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxay rafataba ugu danbayntii waxay aqbaleen inay si bilaa shuruud ah uga qayb gallaan shirka Soomaaliya ee lagaga hadlaayo arrimaha Dawladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo bisha 31-keeda ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka warfaafinta maantana lagu sheegay warsaxafadeedka inuu yahay Afhayeenka Xukuumadda Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa lagu sheegay in shirkaasi loo xil saaray ka qayb galkiisa dhawr Wasiir oo uu gadh-hayeen u yahay wasiirka ugu jecel inuu shirarka noocan ah ka qayb gallo Maxamed Cabdilaahi Cumar khaarajiga isla markaana ay wehelin doonaan wasiirada qorshaynta qarranka iyo Wasiirka macdanta iyo Biyaha oo isagu ka mid ah xubnaha fartu ku godantahay, qoraalkani saxaafadda ee Cabdi Yuusuf Ducaale wasiirka warfaafintu ku saxeexanyahay waxaa lagu sheegay in ay wefdigaasi ka qayb gallayaan maalinta koobaad ee shirka oo keliya oo uu Wasiirku sheegay in lagaga hadlaayo arrimaha mashaariicda horumarinta.
Haddaba Halbeegnews oo dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyey isha si gaar ah ugu haysay shirkani ayaa ugu horayn waxaanu idiin soo gudbinayna qoraalka Cabdi Yuusuf Ducaale dabadeedna waxaanu faahfaahin ka bixin doona sawirka shirkani uu leeyahay iyo in qoraalka Cabdi Yuusuf Ducaale uu run yahay iyo inkale, qoraalka lagu sheegay ka qayb galka shirkani ee Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu u dhigna sidani:
“Wasiirka Warfaafinta Somaliland isla markaana ah afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda Somalilad, waxa uu soo saaray Warsaxaafadeedkan ku saabsan ka qayb galka wajiga hore ee Shirka Magaaladda Stanbul ee dalka Turkiga, ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heshay Dawladda Turkiga bishii 5/24/2012.
Xukuumadda Somaliland waxa ay go?aansatay in ay ka qayb gasho wajiga hore ee shirkaasi oo ku beegan 31-ka bishan aynu ku jirno ee May.
Martiqaadkan Rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu, Somaliland ula dhaqmi doonto si ka gedisan sida loola dhaqmayo goboladda Somalia.
Dawladda Turkigu waxa kale oo ay martiqaadkeedan ku cadaysay in la Raaci doono hab maamuuska shirkii London ee qabsoomay 23-kii bishii February.
Shirka Magaalo Madaxda dalka Turkiga ee Stanbul ka qabsoomi doona bishan 31-da, waxa lagu gorfayn doonaa isla markaana go?aamo laga gaadhi doonaa arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo dhaqaalaha oo u kala baxa afar qaybood kuwaas oo kala ah u adkaysiga Tamarta, biyaha iyo waliba wadooyinka.
Maadama uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland socdaal ku tagayo dalka Djabouti, madaxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay shirkaasi in ay ka qayb galaan wasiirada ay ka midka yihiin:-
wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Sacad Cali Shire, Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.
Gabogadiina waxa aanu halkan ku cadaynaynaa in aanaan ka qayb geli doonin wajiga labaad ee shirka, kaas oo lagaga hadlayo waxa loo yaqaano Road Map-ka oo aan qusaynin Jamhuuriyadda Somaliland.”
Maxaa Ka Dhab Ah Warsaxafadeedkani Wasiir Boobe Ka Soo Baxay
Sida uu todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkigu Ahmet Davuto?lu uu ugu waramaayey dhawr wergeys oo ka soo baxa dalalka Turkiga iyo Giriiga iyo weraysigii uu Jimcahii siiyey Wasiirku Telefishanka dalka turkiga ee la yidhaahdo TRT Türk shirka Soomaaliya ee Istanbul wuxuu socon doona laba maalmood 31-ka May ilaa 1 June, dhammaan shirkani waxaa lagaga hadli doona labadii heshiis ee loo yaqaanay Garoowe1 iyo Garoowe1 iyo weliba heshiiskii lagu gaadhay Kampala ee loo yaqaanay (Kampala Road Map), iyadoo maalinta hore ee shirka lagu gorfayn doono waxaa ka hirgalay heshiisyadaasi, maalinta ugu horaysa ee shirka waxaa lagu soo qaadaya mashaariicda Biyaha, waddooyinka iyo biriijyada ee magaalada Muqdisho iyo gobolada Koonfurta Soomaaliya (kuma jirto Somaliland, Puntland iyo Galmudug midna)
Waxaa haddaba isweydiin leh oo layaableh maadama arrimaha laga hadlaya yahiin Soomaaliya, qodobadda la taabanayaana ee horumarkuna gebi ahaanba salka ku hayaan Soomaaliya maxaa Somaliland ka khuseeya, Somaliland kama ay mid ahayn dhinacyadii saxeexay Garoowe1 iyo Garoowe2 iyo weliba heshiiskii Kampala Road Road.
warar xogogaal ah oo aanu hellay ayaa Halbeegnews u xaqiijinaya in dawlado ay Jibouti ka mid tahay ay laaluushtay wasiiradda iyo Xukuumadda Somaliland isla markaana ku qasabtay xukuumadda Siilaanyo inay si degdeg ah u bedelaan mawqifkooda sababtuna ay la xidhiidho Dawladda Turkiga oo xidhiidh wanaagsan la leh Jibouti kuna cadaadisay in Somaliland si bilaa shuruud ah loo keeno.
Jibouti ayaa siyaasaddii, dhaqaalahii iyo arrimaha bulshada Somaliland dhinac walba saamayn weyn kaga yeelatay iyadoo ay Somaliland noqotay maxmiyad Jibouti ay maamusho
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 400 times.







