Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhisme Casri Ah Oo La Sheegay In Laga Fulinayo Madaarka Egal Oo Ay Dawladda Kuwait Ku Deeqday

Posted by on May 27th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta dhagax dhigay mashruuc Dib u dhis ah oo lagu samaynayo dhabada Gegida Diyaaraduhu ka hadaan ee Caasimada Hargeysa.

Dib u dhiskan oo ay ku baxayso lacag dhan afar Milyan iyo shan boqol oo doolar lacag ku dhaw, waxa fulinaysa shirkad ajaanib ah oo laga leeyahay wadanka shiinaha, taasoo magaceedaha la yidhaahdo China Horn Group.

Dhagax dhiga lagu sameeyay dhabada Diyaaradaha ee Cigaal International Airport, waxa madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka socda Golaha Wasiiradda Xukuumadiisa, Madaxda Shirkada dhisaysa Run-way-gan iyo Shaqaaleheeda oo u badan ajaanib iyo sidoo kale Maamulka iyo shaqaalaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaaanyo ayaa markii uu dhagax dhigay gegida laga bilaabay hawshan mahad naq u jeediyay Shirkada hawshan fulinaysa iyo dawlada Kuwait oo mashruucan Somaliland ka caawisay.

sidoo kale wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa madaxweynaha iyo madaxda kale ee la socotay uga waramay mashruucan, waxaanu sheegay inaan madaarkan wax dib u dhis ah lagu samayn ilaa markii la dhisay oo ku beegnayd sanadii 1954 “madaxweyne Run-way’gan Magaadarka waxa la dhisay 1954 oo ahayd wakhtigii Ingiriisku dalka xukumayay, ilaa iyo wakhtigaana wax lagu daray ma jiraan, taasina waxay ku tusaysaa inaan Khayraadka iyo horumarinta wadanka si siman loo qaybsan markii dawladii siyaad bare dalka xukumaysay, markaa maanta ayaa dib u dhiskii ugu horeeyay lagu samaynayaa”ayuu yidhi.

geesta kale C/risaaq Cumaani oo ah Mulkiilaha Shirkadda qaadatay Qandaraaska lagu fulinayo Mashruucan ayaa isaguna madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada ee kala soo qayb galay Dhagax dhiga mashruucan si weyn ugu mahad naqay, waxaanu sidoo kale cadeeyay inay mudo gaaban ku dhamaystirayaan hawshan, isla markaana dhakhso loo furayo Madaarka qaybihiisa la xidhay ee shaqada laga bilaabayo.

sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista ayaa sheegay inaanu madaarku xidhmayn mudada dib u dhiskani socdo, hase yeeshee laga wareejiyay diyaaradaha tankoodu ka culus yahay 20 TON, kuwaasoo inta hawshani socoto ka soo degi doona Madaarka diyaaradaha ee Berbera oo isna dhawaan dib u dhis caynkan oo kale ah lagu samayn doono.


This post has been viewed 257 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright