Beelaha cali saciid oo Dr; gaboose iyo ururka UMADDA taageero iyo duco isugu daray!

Posted by on May 26th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Beelaha ugu miisaanka culus beelaha garxajis ayaa munaasibad aanay ukala hadhin cuqaal, codkar, aqoonyahan, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haweenba kusoo dhaweeyay gudoomiyaha iyo musharaxa ururka UMADDA, waxay beeshu go,aan satay inay masiirkeeda siyaasadeed ee ay ku leedahay jamhuuriyada somaliland ku raadsato iyadoo sii dhexmaraysa urur weynaha UMADDA, waxay beeshaasi ku caan baxaday oo ilaahay ku manaystay aqoon, akhlaaq diimeed oo ay dhaqan fog uleeyihiin, mid siyaasadeed oo iyana aad u baaxad weyn,

hadaba maxaynu ka baran karaa ku biiristan balaadhan ee ay beelaha cali saciid u muujiyeen ururka UMADDA? waxaan filayaa inaanay cidna ka qarsoonayn oo ay fariin cad u tahay inta kale ee reer somaliland oo ay fariinta ay gudbinaysaa tahay umad yahay somaliland waa inoo ururka UMADDA!,

ururka UMADDA oo ahaa markii la aas aasay ururadii ugu danbeeyey ee lagu dhawaaqo ayaa waxaa ka muuqda inuu yahay mid si laxaad wayn u socda oo maalinba maalinta ka dan baysa sii balaadhanaya taas oo la arkaayo iyadoo mushtamaca reer somaliland iyagoo kooxo kooxo u soo gelaaya,

hadaynu waxa yar iftiimino habka ay somali oo dhami noloshooda u maareyaan ee ay bulshadoodu ku dhisan tahay ayaa waxa uu yahay habka qabiilka waayo weli waxay joogaan aas aaskii nolosha iyagoo ka madhnayn oo qayb ka ah habka nolosha casriga ah oo ay wax badani soo gaadheen marka loo eego dhinaca isgaadhsiinta castiga ah iyo ganacsiga laakiin marka la rabo in awooda maamulka la qaybsado ama loo tartamo kama maar maan inay bulsho waliba oo meel ku nooli is abaabusho iyagoo aan cid kale oo deeganka kula nool ku cunsuriyadaynad oo ay codkooda iyo cuudkooda isu geeyaan ka dibna raad sadaan meesha ay markaas dan moodaan,

hadaynu taas tusaale yar iska tusno madaxweynaha maanta jamhuuriyada somaliland hogaamiyaa markii uu xukunka u ordaayay ee uu xod xodoshada codka dadka reer somaliland ku jiray waxa uu shir aad iyo aad u balaadhan u qabtay beesha uu ka soo jeedo, shirkaas oo ka qabsoomay magaalada garadag isagoo ujeedada shirkaas ka lahaa in uu helo beesha uu ka soo jeedo codkeeda oo isku duuban iyo faa,ido kale oo uu shirkaas ka kasbaday oo ahaa in lagu heshiisiiyay siyaasi ruug cadaaya oo ka tirsan beeshiisa oo markaas ka tirsanaa xisbigii dalka hogaanka u hayay ee UDUB waa saleeban maxamuud aadan ( saleeban nuur) waa gudoomiyaha golaha guurtida mudane saleeban nuur waxa uu reerka isna ku lahaa teegeero balaadhan taas oo madaxweyne siilanyo ka maarmi waayay codka balaadhan ee saleeban bulshada badh ka haysto inay ku soo biyo shubato isaga si uu dhamaan reerka oo midaysan codkooda u helo,

markaas halkaas waxaa kaaga muuqanaaya inaayay somaliland aanay weli dhaafin inay isu abaabusho beelo iyo deegan deegaan iyagoo intii danteeda iska dhex aragtaaba is gar gaarsato mana aha mid cid gaara iyo guud ahaan reer somaliland lagu ceebayn karo waayo nolosheena ayaa ku dhisan keliya waxaa ceeb inagu ah oo reer somaliland ka kortay inay qabiil qabiil isu laayaan iyagoo hubaysan oo awooda ku raadinaya qori caaradii sida koonfuta somaliya weli taala laakiin hadii ay cadkooda midaysanayaan taasi waa ta aynu xisbiyada u furanay iyo inaynu qofkaynu bedelayno cod kuridno kaynu dooranayno isna cod ku doorano sida aduunka horumaray,

hadaba waxa uu rasuul keenii suubanaa Muxamed SCW uu inoo sheegay inaan muuminka god laba jeer lagu wada qaniinin oo loo baahan yahay meeshii shalay lagugu khiyaameeyay inaan maantana lagugu khiyaameen oo aad ka feejignaato! shacbiga reer somalilandna ay fursad haystaan maalinta codka laga doonayo oo ay ku ciil bixi karaan codkooda iyagoo kula baayac tamaaya qofkii ay masiir kooda mustaqbal ku aamini lahaayeen,

Aadan axmed nuur

Dublin Ireland


This post has been viewed 225 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright