Muxaafidnimada iyo War mo’ogi la’aanta Reer Togdheer iyo Damaaciga Xukumada Axmed Siilaanyo!!

Posted by on May 24th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Wasiirka Maxamuud Xaashi, Mudane Wasiir waxaa cadaatay In Colaadii kaa soo gaadhay 1991kii burco ay weli soo kacdoonto, colaadaas oo ah Xiligii aad mayor ka burco noqotay ee Reer burco ku yidhaahdeen Adeer Reer togdheer ma tihide Sidebaad ku noqotay Moyorka Burco , xiligaas oo ay soo dhaceen Dhibaato badan oo Dadka Reer somailand ka dhexeeyay nasiib wanaagse lawada ilaaway wax kasta oo soo dhacay Marka lagaa reebo Mudane Wasiir oo aadan Ilaawin Taarikhdaa iyada ah Isla markaana Aad weli ku mashquulsantahay Aar goosigii REer burco Gaar ahaan Cida ay Sida Gaar ah ay u khusayso Arintaas Aar goosiga ah, Waxaa Marag ma doon ah Mudane Wasiir socdaalkaagi ugu danbeeyay ee aad ku tagteen gobolka togdheer Migaalada burco ee Inta aad shir wayn qabateen Adiga Saaxibadaa Aad ku qudbadayseen Reer Burcoow Madaarkii Gobolka Waxaanu bixinaynaa 50% oo noqotay Arin Dadkii Reer burco iyo Guud ahaa Reer Somaliland ku noqotay laf Dhuun Gashay iyo yaab iyo amakaab, sababta oo ah Waaxaa Marag madoon ah Wasiir burco inay tahay Hooyadii Somaliland Cidna aanay ku muran sanayn waxaa kale oo la ogyahay Burco inay tahay Meesha keentay Isbedelidii kala duwanaa ee Somaliland soo maray oo ay kow ka tahay Imaanshaha AXmed Siilaanyo iyo Adiga oo Ina Xaashi ah Wasiirka aad ku noqotay Sidaa daraadeed, Mudane Wsiir Sideebay Caqliga Wacan ee shaqaynaya u soo gashay Inta aad Dhowr Wasiir isku soo raacdeen aad tidhaahdeen Reer burcoow  50% ka bixiya waa wax laga  xishoodo walaahay bilaahi, reer burco naf iyo maal wixii ay hayeen Xisbiga kulmiye ee meesha jooga ayay Galeen Waayo maanta oo aad oggtihiin dhabta jirta somaliland oo Airport dadii Hargaysa iyo berbera lagu dhiso 5 milion doller Ka burcana aad u tidhaahdaan Waa inaad bixisaan 50% Waxaa goobtaa yada ah Ragg baan joogine In dhenged la idinkaga saaro ayay ahayd ileen Waad u qalantaane Maadaama aad waxaas affkiina ka soo baxeen,Mudane Wasiir Waxaan cod dheer kuugu sheegaya oo aanu kugu sheegaynaa Gobolka Marka hore Calooshaada ka sii daa oo ka daa Dagaalkan aad kula jirtid Adoo ka aar gudanaya Taariikhdaaa fogayd ee dadka somaliland isku wada qaldameen isla markaana wixii jirayba la aasay Cid aan adiga ahayn oo sii xasuusana aanay jirin Sidaas ayaan kuu sheegayaa oo aan kugu cel celinayaa Mudane.


Dhinaca kale Waxaa yana layaab leh Xildhibaanadii Umudu soo dooratay ee Codka shacabka ku yimi meesha ee ay iskaga dhex qasan tahay Inay xildhibaano yihiin iyo inay Wakiilo Dawladeed yihiin Runti waa Wax laga argagaxo ah  Gobolkana ku ah dhabar jab iyo qasaare u soo hoyatay labadan Xildhibaan ee Goobta hadalkaa laga lahaa iyo weliba fekerkaas la qabay Ina xaashi labaduba waxay ahaayeen laba xildhibaan oo dadku han wayn u qabeen laakin aan garan Shaqadii loo soo doortay   Indho adayg inta ay ka qabaana inta ay soo socdeen Sidaa dadkii ugu qudbadeeyay Waa Arin dad badan oo Reer somaliland ah ka wada Cadhaysiisay Arinkaas Madaarka burco oo mudo dhowr sano ah kubada lagu ciyaaro Cidii Wax laga filayayna Sidaa abaal gudkoodii noqday, Sidaa daraadeed waxaan Xildhibaanada fari lahaaa gobolka laga soo doortay Ilaahay ka baqa dadkani wixii uu iidin soo doortay maaha inaad afka xukumada aad ku hadasheen waxay ahayd inaad ku hadashaan afka Shacabka Dulman ee idin soo doortay Inaad u hiilisaan uguna hiilisaan Xukumada Dulmiga wada ee gobolkan cagta saartay .

Shacabka Reer burco waxan ugu baaqayaa Madaarka burco xidhnaashiyihiisa Idinka laftiinu Qayb wayn ayaad ku leedhihiin sababta oo ah Waxaad kala saartaan Muxaafidnimada iyo Xaqiina oo idinka maqan, muxaafid ahaada laakin xaga ummudu waa mid sharciya Ilaahayna idinkala Xisaabtamayo isla markaana loo baahanyahay In la doono oo aad Cidii aad doorateen haday tahay madaxwayne iyo xidhibaan intaba aad waydiisan oo ka hadashaan meel walba oo ka dhiidhidaan Caasimadii labad ee dalkan oo  bilaa Madaar ah waa wax laga xishoodo oo dawladuhu ka xishoodaan oo shacabku ka xishoodaan oo cid waliba ka xishooto, Sidaa laajigeed Waa inaad dhexda u xidhataan Sidii Madaarkii Burco u furmi lahaa Isla markaana Cid iiidin maqani ma jirto Waa inaad Dhisataan Madaarkiina Sidii aad biriijyada u dhisanjirteen Waan hubaa Reer burco inay dhisan karayaan sababta la idiinku dayay maanta Intaa keena inta kale anaga keenanee ayaa sidaa ah Runtii Waxan idin odhan lahaa Nimankaa Meesha marayay Waxay ahayd inta aad Hotelka hurdada aad ka bixisaan aad ku tidhahdaan Orda oo meeshii aad ka timaadeen ku noqda Annaga ayaa dhisanayna 50% ka aad sheegaysanaa uma baahnin ee haysta, Walaalo yaal Dadwaynaha Reer Togdheer Waxaa inoo balan ah Inaad ka shaqaysaan Horumarka gobolkan Dayacan ee Cidna aanay u maqnayn Ceelna u qodnayn Maskaxdiisii iyo xoogiisiina la isticmaalay insha allah waxaa lagaadhayaa horumar.


Fiiro Gaara: Qoraalkaygan Waxaa laga yabaa Inay dad badan iswaydiiiyaan Ujeedadiisa laakin anaa idiin sheegay Waxaan Mucaarid ku ahay Cidkasta oo Sed bursi Siisa Cid Gooniya isla markaana Ka dheeraada Xaqa ummada Isla markaan La tuuro Cadaaldii Dalkani Ku dhisnaan lahaa horumarna ku gaadhi lahaa, Waxana la saaxiib ahay muxaafidna u ahay Cidkasta oo gobolada Somaliland u cadaalad Fasha oo si dhex ah wax ugu qaybisa Sidii Ilaahay inoo sheegay ee ahayd Cadaalada In Dadka lgu dhaqo laakin aaanay hadalkaygani iga ahayn Inaan Mucaaradayo Xukumada Axmed Siilaanyo Ma mucaaradayo laakin Cidii Toosin u baahan ayaan toosinaynaa waxna u sheegaynaa Sidaas ayuu ka turjumayaa qoraalkaygu.

Waa bilaahi tawfiiq
Abdihakim awil Adam
london Uk


This post has been viewed 191 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright