Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan somaliya Mr;Augustine P. Mahiga ayaa si indho la,aan iyo sharci kutumasho ku jirto damcay inuu uga faa,idaysto dhacdadii ka dhacday magaalada hargaysa taas oo ka madhnayd wax siyaasada iyadoo ku dhacday muran dhinaca dhulka ah kaas oo had iyo goor ka dhaca dhamaan dhulka somaliyeed oo dhan,
hadaba mr; mahiga waxa uu damcay markuu maqlay wixii hargaysa ka dhacay inuu uga faa,idaysto dhinaca siyaasada isagoo wax badan raadinayay sidii uu maruun faragelin siyaasadeed ugu samayn lahaa shacabka reer somaliland ee isku duuban kuwaas oo wax alaale iyo wixii la soo dersa ku dhamaysta geed hoostii midhkaas oo ay ku soo caano maaleen tan iyo intii ay ku dhawaaqeen qaranimada somaliland ee 1991 kii , shacbigaas oo qaranimadaas buddhig uga dhigay isu tanaasul, dulqaad, wada hadal iyo wada tashi ay wax walba ku xaliyaan,
hadaba mr;mahiga waa shakhsi masuuliyadii loo igmaday baalmaray oo ku dhexmilmay dhinacyada siyaasada somaliya isku haya waxaaba la odhan karaa waa garab kamida kuwa isku haya siyaasada somaliya, nasiib daro waxa uu mudoba la,aa hab uu ku farageliyo siyaasda midaysan ee somaliland ka jirta,
isagoo isleh ka faa,idayso jaaniska ayuu soo saaray qoraal uu ku sheegayo in wixii dhacy uu ka xunyahay kamana xuma ee waxa uu isleeyahay indhaha caalmka tus inay meesha masiibo ka jirto oo aan la odhan karin waa nabad gelyo, waxa uu canbaareeyay xukunka maxkamadu ku riday 17 wiil ee u dhashay hargaysa isagoo ku baaqay in xukunka maxkamadaas milateri riday loo wareejiyo mid madani ah isla markaana waxa uu ku sifeeyay xukunka maxkamada mid aan waafaqsanayn shuruucda dalka kuwa caalamiga ah oo loo baahan yahay maxkamad cadaalada oo labada dhinac ku kal soon yihiin oo la hubiyo inay dhax dhaxaad tahay!,
hadaba waa yaabe goorma ayuu mr; mahiga isagu garsooraha ka noqday somaliland yaase u wakiishay oo yidhi shacbkan iyo xukuumadan isku duuban u garnaq mida kale hadaanu damac sanayn suldaaro siyaasadeed iyo muran uu dhex geliyo shacabka iyo dowladooda oo aanu baasiin ku siishubayn maxuu u deg degay oo uu u hubsan waayay bal kiisku meesha uu fadhiisto ileen wiik ba kama dan bayne! mida kale hadii inuun uu kulahaa inuu dhex ka galo oo ay daacadi ku jirto maxuu dalka intuu yimaad si basar leh ugala hadli waayay xukuumada ka talisa, waxaa halkaas kaaga muuqanaya jaaniska iyo dabinka uu miiqayo mahiga ee uu la rabo maruun inuu ku suldaareeyo shacabka somaliland,
hadaba waxaan doonayaa inaan halkan umariyo dhaam shacab weynaha reer somaliland inay ilgaara ku hayaan mr; mahiga oo damacsan inuu sumcada somaliland dhulka jiido oo ay ogaadaan cadaawada uu la maagan yahay, fariinta khaldan ee uu war baahinta dhigayo mahiga aanay moodin inuu cid gaara ugu hiilinayo oo ay tahay mid ka dhana dhamaan qaranimada somaliland iyo jiritaan keeda oo aanay u riyaaqin dabinadiisa guracan, nin kaas mahiga oo soo baabashay deriskooda somaliya oo timaha isugu soo xidhay iyagoo hada iswada sudhan oo kala bixi la kadib markuu dhex dhigay wax uu ugu yeedhay Roadmap iyo dastuur ku lidiya qaranimada somaliyeed iyo diinta islaamka,
maxaase la gudboon xukuumda somaliland ee uu sharciyan iyo siyaasiyan u farageliyay mahiga? su,aashas jawaab badan uma baahna, waa inay marka ugu horaysa jawaab waafiya oo u dhiganta taa saxaafada uu u qaybiyay umarisaa xukuumada somaliland iyana saxaafada, waa inay dib u eegid ku samaysaa wada shaqayntii ka dhexaysay, waa inay ku khasabtaa inuu faragelintaas ka bixiyo raali gelin buuxda iyo inaanu dib danbe taas oo kale usamayn sababtoo ah hadii aanay sidaa yeelin xukuumada somaliland waxay noqonaysaa meeshu wado halaq mareena oo markasta uu sidaas oo kale uu yeelo isaga iyo wixii la mid ahi iyo qaranimada iyo madax banaanida dalka oo dhaawac soogaadho,hadii ay talaaboyinkaas qaadi waydo xukuumadu waxaa ku iman kara fashil siyaasadeed oo dhinaca sharciga iyo siyaasadaba kaga yimaad.
Aadan axmed nuur
Dublin Ireland
This post has been viewed 181 times.






