Marwo Xildhibaan Raaqiya Ismaaciil Oo Noqotay Gabadhii Ugu Horaysay Oo Soomaaliyad Ah Kana Soo Jeeda Somaliland Oo Ku Guulaysatay Kursigii Golaha Deegaanka Ee Degmada Hollaway Ee Magaalada London Taariikhdana Gashay

Posted by on May 5th, 2012 and filed under Archieve, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Holloway London (Halbeegnews)– Marwo Xildhibaan Raaqiya Ismaaciil oo ah Gabadh dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa noqotay Gabadhii ugu horaysay ee abid taariikhda magaalada London ku guulaysata inay ka mid noqoto xildhibaanada golayaasha deegaanka ee magaalada London iyo guud ahaanba dalka boqortooyada ingiriiska noqotayna Marwadii ugu horaysay ee jinsiga Soomaaliyeed ka soo jeeda ee darajo siyaasadeed oo heerkaasi ah ka gaadha dalka ingiriiska.

Marwo Raaqiya Ismaaciil waxay ku guulaysatay kursigii golaha deegaanka ee degmada Holloway ee waqooyiga magaalada London iyadoo ka sharaxnayd xisbiga shaqaalaha (Labour Party) iyadoo si weyn  ugaga adkaatay seddexdii musharaxiinta ahaa ee ugu soo dhawa oo kala ahaa Jonathan Edwards oo ka sharaxna xisbiga Conservativeteka, David Kelly oo ka sharaxna xisbiga Libral Democratska iyo haweenayda Clair Poyner oo ka sharaxnayd xisbiga Green Party.

Kursiga Holloway ayaa waxaa codkooda bixiyey tiro dad ah oo dhan 4208, Raaqiya Ismaaciil waxay heshay %80 cododka la tiriyey oo dhan 2,352 cod halka musharaxa xisiga conservative ka oo ugu soo dhawi uu hellay 671 cod, dabaal dega guusha Raaqiya Ismaaciil ayaa waxaa xallay oo dhan ilaa saaka looga dabaal degaayey degmada Holloway oo ka mid ah degmooyinka ugu weyn waqooyiga magaalada London oo ay ku noolyahiin dadyahow kala midab, jinsi iyo diin ahi, waxaanay Marwo Raaqiya noqon doonta mudane ka tirsan golaha deegaanka ee Degmada Islington ee magaalada London.

Marwo Raaqiya Ismaaciil ayaa waxay ahayd madaxa Haayad u adeegta dadka shaqo la’aanta guryo la’aantu haysato, waa hooyo caruur leh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa iyadoo la hadlaysay warbaahinta shallay gelinkii danbe ayaa waxay tidhi “aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqdo mudane matalaya Holloway waan u mahad celinaya dadkii ii codeeyey, waan fahansanahay doorkayga, labaatankii sanno ee ugu danbeeyeyna waxaan ka shaqaynaayey hawlaha la xidhiidha shaqooyinka iyo caafimaadka, waxaan ka shaqayn doona sidii dhalinyaradu shaqooyin u heli lahayd, waxbarashada iyo caafimaadkuna u noqon lahaayeen meel lagu soo hirto degmada Holloway” ayey tidhi Marwo Raaqiya Ismaaciil.

Marwo Raaqiya Ismaaciil ayaa geli doonta taariikhda dadka afka Soomaaliga ku hadla ee ku nool magaalada London, iyadoo waa marka koobaad eh ay ololaheeda si weyn uga qayb qaateen dadyahow kala jinsi ah oo ku nool degmada Holloway, waa marka labaad eh iyadoo noqotay Marwadii ugu horaysay ee taariikhda dalka ingiriiska loo doorto xafiis siyaayasadeed dadka afka Soomaaliga ku hadla ee magaalada London, waa marka seddexaad eh iyadoo noqonaysa Marwadii koobaad ee Somalilander ah ee darajadani ka gaadha dalka, ingiriiska, waa marka afraad eh Kursigani ayaa weligiiba waxaa hore u haystay xisbiga Conservativeka oo ay kaga guulaysatay markii ugu horaysay.

Waxaanu isku dayi doona inaanu weraysi cod ah la yeelano Marwo Raaqiya Ismaaciil, anagoo la xidhiidhnay maareeyaheeda dhinaca ololaha Mr.Smith oo noo sheegay inuu ballan nooga samayn doono la soco Halbeegnews

Halkani ka akhriso Wergeyska Islington Tribune Oo Ka Faaloonaya Guusha Raaqiya Ismaaciil

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1032 times.

Categories: Archieve, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright