NIN QALOOC QABIIL SHAQO KU HELAY XISBI MA WADI KARAA MA HOGAAMIN KARAA NAFTIISA !

Posted by on Mar 21st, 2011 and filed under Audio & Video, Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Dadka qaarkii ayaa daah dabadii ka hadla ,garan waana waa u dhawaaqaa isalabadaasiba ma qaadi karaan masuul ummaddeed iska daa xisbi ay maamulaane, runtii waa qaylada maqashii dadkan dambe ee soo koraya ee hadda baranaya taariikhda dadkan daaha dabadiis ku jira , sida madax weyne ku xigeenkii hore Abdirahman Aw Ali Farah, iyo kuwo aan halgankii ku jirin oo maanta gadhka xineystay oo leh waxa aan rabnaa in aan xisbi samaysano , dadyow timirtii horeba dab loo waa , waxa maanta laga fakirayaa seddexdaa xisbi sidii looga dhigi lahaa laba xisbi oo labadaa xisbi ee Udub iyo Ucid mid layskaga dhigi lahaa maadaama Udub aysan ku jirin saaxada siyaasada ee somaliland wakhtigan maanta ah Ucidna haba sheegin dhawaaqaas ayey xisbi ku tahay… xisbiyo kale oo la samaynayaa halaga saaro riyada lagu jiro.

Inta maanta rabtaa xisbi waa intii ka soo carartay KULMIYE waxa haboon in ay ku noqdaan Gudoomiye MUSE BIXI oo ay kala tashadaan sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen xisbiga Kulmiye , maadaama uu yahay madaxweynaha mustaqbalka , runtiina ragaasi ay ka cabsanayaan godubtii doqonimo ee ay ka galeen xisbiga Kulmiye iyo mujaahid Madaxweyne AHMED SILANYO. Waxa hubaal ah wakhtigan manta lagu jiro in aysan haboonayn ama waajib ahayn in laga hadlo arimo maaweelo caruureed marka la waayo war murtiyeed taas oo ah in la iska yidhaahdo xisbiyo kale ayaa loo baahan yahay , looma baahnee waxa loo baahan yahay in la faqo diiwaan galiyayaashii lagu keydiyey dadkii dambiilayaasha ahaa ay ka mid yihiin maamulkii hore ee Somaliland soo maray markaa kuwaas gudaha la dhameeyo loo noqdaa kuwii xasuuqay ummadda , hadda dadkan qiiqa isku qarinaya ee leh xisbiyo ayaa loo baahan yahay horta ka soo qayb gala salaada roob doonta ee Eebo la baryayo in raxmad dhulka u keeno abaartana ka saaro ummaddiisa.
Doofaar abidkii ma daahiro , doqoni cad iyo caano toono ma laha, haddii masuuliyad ay horey u arag ,oo loo dhiibay garana weyday sidii loo maamuli lahaa , maqashayna ereyga argagixiso , shalay waa la ogaa in Bulo cade , argagixiso laga soo dejiyey , mantana laan cawaale lagu qabtay , ha degdegin ama ha walwalin dhurwaaga ciyayow warbaan kuu ogahay todobaadkan dabadiiye , waxay taasi noqotay in aad ku hungoowdeen xeebihii galbeed ee weligeedba ganacsiga argagixiso uga socday Riyaale iyo lamaanihiisa maantase waxa dhuljiif ama burciid jiif noqday ciidankii Somaliland oo meel kasta saldhig ka samaystay ,dadka weli wada argagixisadaa foosha xun waxa weli ku sugaya ama ku eegaya ciidan adiga kuu gaar ah oo og ganacsigaaga iyo nolol maalmeedkaaga , taas ayaa lagaaga digeyaa.
Maanta horumarka ama shaqada wadanku gaadhay mudada gaaban ee xilka uu qabtay xisbiga Kulmiya isaga oo weli gu’ jirsan waxa ka markhaatiya caalamka ,halkana laguma soo koobi karayo , hadaba dadka raba in ay samaystaan xisbiyo manta maaha maalinteedii , manta waa maalintii dalka laga badbaadinayey ama dib loo xoreynayey xagga siyaasada ,dhaqaalaha taas oo dad damacsanaa in ay Somaliland burburto ay soo mareen waxa aan u jeedaa maamulkii hore kaas oo dhaqaalihii ummadda ku shubtay fujaan daloola , siyaasadii debedan iyagoon aqoon u lahayn kolba hay’ad yari dhalan habaabin jirtay marka ay siiso wax guno oo kale ah had iyo jeerna kula talin jirtay in Somaliland jirin , raggaas ama wiilashaas hore ee maamulka Somaliland soo marayna madaxana u ruxi jirey hay’adahaas odhan jireyna Somalia waa somalian ……xaqiiqdii taas ayaa manta xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Caalamka tusay in Somaliland tahay wadan ama dal isku filan oo la yidhaahdo Somaliland , gaar ahaan xagga siyaasada, nabada ,ummadda midyesan , sida ummadda maseyrkoodu u yahay in ay ka go’an tahay somalilandernimadu ayaa manta dowlada iyo shacabka somoliland ka go’an tahay caalamkana ay tuseen , taas ayaa dagaalkeeda lagu jiraa ilaa laga gaadhayo aqoonsigeeda.

Xaqiiqdii manta waa in loo tafo xayto qadiyada Somaliland xagga siyaasada debeda , xagga dhaqaalaha , xagga degenaanshaha wadanka oo la soo dhamays tiro somalilandnimada ee looma baahna in lagu degdego xisbiyo kale oo la samayto.

AXYAA BORAMA


This post has been viewed 2459 times.

Categories: Audio & Video, Opinion
Tags:

2 Responses for “NIN QALOOC QABIIL SHAQO KU HELAY XISBI MA WADI KARAA MA HOGAAMIN KARAA NAFTIISA !”

  1. Hargeisawi says:

    Jahawareer iyo hadal caadifadaysan oo wax murti iyo talo ah oo uu ku fadhiyo haba yaratee aanu jirin ayaa meesha ka muuqda, ciwaanka mawduuca iyo qoraalkuna aad bay u kala fog yihiin. qofka soo qoray maqaalkani waxaa uu ilawsan yahay ciwaanka mawduuciisa marka la arkoba in maskaxda lagu qabanayo in uu ula jeedo oo duulimaad ku yahay cida uu difaacayo, waayo reernimo iyo qabiil cid shaqo ku hesha cid baa lagu yaqaan.
    arinta laakin laga hadlayey somaliland jiritaankeeda iyo qadiyadeeda maaha ee mar labaad aan ku saxo hanfadow war ma hayside seef aan meel ku jahaysnayn baad la booday iyo maskax caantayn ahe, arintu waa xisbiyo dimuquraadi ah ma furanaa, jawaabtuna waa haa iyo maya nin waliba sida uu doono doodiisa ha u meel marsado eh, balse waxaas oo qardo jeex ah iyo hadal oo si macquul ah iskugu xidhnayn nuxur ahaan looma baahnayn.
    mida kale markaad arin ka hadalyso si cilmiyaysan baa looga hadlaa ee sidaas maaha xaajadu, mise waxaad ahayn
    d kuwa raga siyaasiyiinta ah biyaha iyo sharaabka u keena ee mawduuca ay ka hadlayaan dhegta ka bawsada ayaad tahay.
    IMISA RAG AH OO SOMALILAND OO DHAN KA SOO JEEDA OO CAQLI IYO CILMIBA LA TIICAYA AYAA MEEL AY KA SOO GALAAN WAAYEY SIYAASADA SI AY U HELAAN MEELAY ISKA SOO SHARAXAAN MARKII AY ARKEEN SHIRQOOLADA KA DHEX SOCDA SADEXDA XISBI EE AY YEESHEEN AMA MULKIYEEN KOLBA CIDII HOGAANKA U HAYSAA, ADEER MALAHA WAR MA HAYSIDE XISBIGA KULMIYE WALI WAXA KA DHEX JIRTA SHIRQOOLADII QAAXO LAGU MALEEGI JIRAYE YAANAY CAADIFAD QABIIL KU QAADIN EE HORTA MAWDUUCA AAD KA HADLAYSO SI FIICAN U SOO LAFO GUR OO WAX DADKU DAREEN AHAAN AQBALI KARAAN KEEN MEESHA.

    XAGA DHAQAALAHA IYO HORUMARKA EE AAD KU FAANAYSO CIDNA ADIGA IYO KULMIYE MARTI IDIINKAMA AHA EE WAA DAWLADA SOMALIALND OO DHAN OO METESHA DHAMAAN SADEXDA XISBI, DADWAYNAHA SOO SAARAY DAWLADAN TALADA DALKA HAATAN HAYSA, IYO WALIBA XISBIYADA CUSUB EE LA FURI DOONO. DAWLADA AAD SHEEGAYSO HORUMARKA SAY SAMAYSAY WAA SABABTII XILKA LOOGU DHIIBAY TAASI EE MAAHA WAX MUCJISO AH OO AY DAWLADU CIRKA KA KEENTAY, HADAANAY SIDAASI YEELINA WADADII AY DAWLADII HORE MARTAY AYAY MARI DOONTAA.
    XAGA XISBIYADANA MADAXWAYNE SIILAANYO AYAA BALAN QAADAY IN XISBIYO CUSUB UU OGOLAAN DOONO MARKII U OLOLAHA MADAXTOOYADA KU JIRAY TIIBANAA IMIKA LOOGA FADHIYAA….
    XISBIGII QARAN EE DR. GABOOSE IYO MAXAMED XAASINA WALI HALKIISI IYO MAWQOFKIISII AYUU HAYSTAA XILALKA AY HAYAANA MAAHA WAX ILAWSIIN KARA MAWQIFKOOODII AY JEELKA UGU DIBJIREEN.
    HADALKAYGA WAXAAN KU SOO KOOBAYAA ANIGOON ISKU LURIN HADALKA QOF AAN MASKAX DHEX DHEXAAD AH WAX KU EEGAYN .
    AWRTUNA HA SOCOTA AYGUNA HA ISKA CIYO.

  2. Hargeisawi says:

    Jahawareer iyo hadal caadifadaysan oo wax murti iyo talo ah oo uu ku fadhiyo haba yaratee aanu jirin ayaa meesha ka muuqda, ciwaanka mawduuca iyo qoraalkuna aad bay u kala fog yihiin. qofka soo qoray maqaalkani waxaa uu ilawsan yahay ciwaanka mawduuciisa marka la arkoba in maskaxda lagu qabanayo in uu ula jeedo oo duulimaad ku yahay cida uu difaacayo, waayo reernimo iyo qabiil cid shaqo ku hesha cid baa lagu yaqaan.
    arinta laakin laga hadlayey somaliland jiritaankeeda iyo qadiyadeeda maaha ee mar labaad aan ku saxo hanfadow war ma hayside seef aan meel ku jahaysnayn baad la booday iyo maskax caantayn ahe, arintu waa xisbiyo dimuquraadi ah ma furanaa, jawaabtuna waa haa iyo maya miduun nin waliba sida uu doono doodiisa ha u meel marsado eh, balse waxaas oo qardo jeex ah iyo hadal oo si macquul ah iskugu xidhnayn nuxur ahaan looma baahnayn.
    mida kale markaad arin ka hadalyso si cilmiyaysan baa looga hadlaa ee sidaas maaha xaajadu, mise waxaad ahayn
    d kuwa raga siyaasiyiinta ah biyaha iyo sharaabka u keena ee mawduuca ay ka hadlayaan dhegta ka bawsada ayaad tahay.
    IMISA RAG AH OO SOMALILAND OO DHAN KA SOO JEEDA OO CAQLI IYO CILMIBA LA TIICAYA AYAA MEEL AY KA SOO GALAAN WAAYEY SIYAASADA SI AY U HELAAN MEELAY ISKA SOO SHARAXAAN MARKII AY ARKEEN SHIRQOOLADA KA DHEX SOCDA SADEXDA XISBI EE AY YEESHEEN AMA MULKIYEEN KOLBA CIDII HOGAANKA U HAYSAA, ADEER MALAHA WAR MA HAYSIDE XISBIGA KULMIYE WALI WAXA KA DHEX JIRTA SHIRQOOLADII QAAXO LAGU MALEEGI JIRAYE YAANAY CAADIFAD QABIIL KU QAADIN EE HORTA MAWDUUCA AAD KA HADLAYSO SI FIICAN U SOO LAFO GUR OO WAX DADKU DAREEN AHAAN AQBALI KARAAN KEEN MEESHA.
    RAGA UU KA MID YAHAY MUJAAHIDKII WAYNAA EE SNM KALA JOOGAY BEEL DHAN AYAAD KU TILMAANTAY INAAN HALGANKA KU JIRIN SHEEKAADSE KU MAQASHEE CABDIRAXMAAN AW CALI WAA KII KULA BAXAY MAGACYADA AH CABDIRAXMAAN TOLWAA EE HADANA LOOGU BEDELAY LABA TOLE, MARKII UU TOBANAANKA SANADOOD SNM LA JOOGAY DUURKII QAAXO, DIBIILE, MADAWAYN,CADAROOSH DHABOOLAQ, GADHYOGOL, ILAA HARGEISA SIDAAS LAGU SOO GALAY OO UU BILAW ILAA DHAMAAD XORIYADII U SOO DAGAALAMAYEY INTII KA DAMBAYSAY WADANKA XORIYADIISANA UU SOMALILAND DHISMAHEEDA KAALIM MUUUQATA KAGA JIRAY.CABDIRAXMAAN TOLWAANA MAAHA NIN U QALMA AF XUMADAASI AAD KULA DUL KUFTAY,XAQIIQ MARKA LAGA HADLANA WAA NIN KA GARAAD SAREEYA SIYAASIYIIN BADAN OO HAMI MADAXNIMO KU JIRO, WALIGIINA KAMAA UU QAYN QAADAN DAGAALADII SOKEEYE EE SOMALILAND GUDAHEEDA, HADAY CIDI DAMBI GASHAYNA WAA LA ISKU QAADI DAMBIYADAASI OO WAY SOO BIXI CIDII GASHAY, CIDII HURINAYSAY DAGAALADII KA DHACAY BERBERA, HARGEISA. BALSE HADALKAAGU YAANU SOO QODIN WAX LAGA HESHIIYEY OO LA ILAAWAY.
    CABDIRAXMAAN AW CALI IYO DHAGAWAYNE IYO RAGA LA HALMAALAA SABABTAY KULMIYE UGA TAGEEN WAXAY AHAYD WAA RAG AAN IMIKA BARANAYN HOGAANKA XISBIGA KULMIYE OO HORE U SOO YAQAANAY JAB HORENA ISLA SOO MAREEN WAQTIYADII HALGANKII HUBAYSANAA, HOGAANKA KULMIYENA ADIGA WAXAAN U MALAYNAYAA IN AY DADKA INTOODA BADANI KAAGA AQOON BADAN YIHIIM
    somaliland waa ay dhaaftay xili qabiil wax lagu doono iyo anagaa wax xaq u leh tiiyo lagu doodayo in dan wadan la eegayo.

    XAGA DHAQAALAHA IYO HORUMARKA EE AAD KU FAANAYSO CIDNA ADIGA IYO KULMIYE MARTI IDIINKAMA AHA EE WAA DAWLADA SOMALIALND OO DHAN OO METESHA DHAMAAN SADEXDA XISBI, DADWAYNAHA SOO SAARAY DAWLADAN TALADA DALKA HAATAN HAYSA, IYO WALIBA XISBIYADA CUSUB EE LA FURI DOONO. DAWLADA AAD SHEEGAYSO HORUMARKA AY SAMAYSAY WAA SABABTII XILKA LOOGU DHIIBAY TAASI EE MAAHA WAX MUCJISO AH OO AY DAWLADU CIRKA KA KEENTAY, HADAANAY SIDAASI YEELINA WADADII AY DAWLADII HORE MARTAY AYAY MARI DOONTAA.
    XAGA XISBIYADANA MADAXWAYNE SIILAANYO AYAA BALAN QAADAY IN XISBIYO CUSUB UU OGOLAAN DOONO MARKII U OLOLAHA MADAXTOOYADA KU JIRAY TIIBANAA IMIKA LOOGA FADHIYAA….
    WAAD OGTAHAY IN GABOOSE IYO MAXAMED XAASHI MAWQIFKOODA DARTIIS AY UGU SOO JIIDEEN TAAGEERADII BADNAYD EE UU KULMIYE HELAY MUDADII OLOLAHA.
    XISBIGII QARAN EE DR. GABOOSE IYO MAXAMED XAAShINA WALI HALKIISI IYO MAWQOFKIISII AYUU HAYSTAA XILALKA AY HAYAANA MAAHA WAX ILAWSIIN KARA MAWQIFKOOODII AY JEELKA UGU DIBJIREEN.
    HADALKAYGA WAXAAN KU SOO KOOBAYAA ANIGOON ISKU LURIN HADALKA QOF AAN MASKAX DHEX DHEXAAD AH WAX KU EEGAYN .
    AWRTUNA HA SOCOTA AYGUNA HA ISKA CIYO.

    BY: QOF HORUSOCODKA IYO FIKRADAHA TOGAN JECEL.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright