Dalkan inaan xukuumaan u xarraaradeysnee bal xaaji axmed xisbiyada noofur

Posted by on Mar 21st, 2011 and filed under Audio & Video, Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Somaliland mudo hada laga joogo wax gaadhaaya 9 sanadood eyey u diga rogteen qaabkan dimuqraadiga xisbiyada badan taas oo lagu bedelay qaab beelaad ku salaysan ardaayo oo ay ka koobnayd maamulka dawlada iyo xukuumada dalka hogaaminaysa, Weloo ey qaabkan axsaabta badan ee lagu bedelay qaabkii beelaysiga uu qidhiisu ka madhnayn ardaayo se lagu hulaabay xisbi qaran maxaa yeeley waa wax qaadanaaya mudo sidii dhab ahaan loogu dhaqmi lahaa axsaabta, waxa se isweydiin mudan markii axsaabtii la sameeyey ee loolantay 3dii ku soo baxay mooyee intii hadhay la tirtiray ama laga takhalusay 3dii oo aan weli toban-guuradoodii gaadhin oo xisbi kamidi uu mudo buuxda iyo waxoogaa daba-dhah ah uu maamulka hayey doorashadii labaadna uu xisbi kale ku guulaystay xisbigiina maamulkiisii xumaan iyo samaan aan waxba weli laga arag ma xaraarad xisbi baa dadka haysa mise axsaabta ama xisbiyadayna fahan sanayn ileen waatii markii wixii oo axsaab ahayd ee la sameeyey 3 markii laga sooreebay la yidhi 3daa ayaa dalka maamulkiisa loo soo marayaaye mid walowba kaad rabto raac, se doorashadii xigtayba waakii jaha wareerka iyo jeel isku gurku dhacay iyo xisbi baan ahay ee dastuurkii qaranka la yidhi LA JIIFIYAANA BANAAN LAJOOJIYAANA BANAAN. Sikastaba ha ahaatee qaabka xukuumadeed ee dawladeena Somaliland waxa ay la qaabtay maamulka xukuumada maraykanka, Dalka Maraykanka waxa ku nool dad gaadhaaya 400 oo milyan oo qof waxa uu leeyey 2 xisbi oo ku filnaaday waxaas oo dad ah oo kala midab iyo kala muuq ah hadaba Somaliland oo 4 milyan kunooshay sideebay 3 xisbi ugu filnaan waayeen waaba cajiib mise waa laga xiisa baxay xisbiyadii horoo qaar cusub ayaa la doonayaa, side ayey ula jaan qaadaynaa qaabka axsaabta ee dunida ka jira iyo geedi socodka xisbiyada badan ee eynu qaadanay hadii aynu sidii macawisaha hadba xisbi cusub u goosano side ayey inoogu dhaxal gelayaan xisbiyadeenan hada jira oo ay u gaadhayaan jiilasha soosocda mise xaalku waa jiil walbaaba xisbi hasamaysto oo samirkaa inagu yar ,maan garan .

Anigu waxa aan soo jeedin lahaa axsaan xaaji axmadow uma baahnine kooxo kubad ciyaara ayaanu u baahanay oo koob sanadle ah oo kharashkiisa lagu daro miisaaniyada sanadlaha ah lagu daro in naloo furo ninki xisbiga doonaayana la yidhaahdo koox maamule tababare ah u noqoo kii kooxdiisu badisaa milyan doolar dooladu sanadkii siiso.

Gabagabadii aniga siday ilatahay 3 xisbi wey inagu badan yihiine 2 halaynoo reebo oo weliba labada xisbi ee mucaaradka ah haloo kala qori tuuro oo mid halaga takhaluso oo dowladeenu midig iyo bidix hanoqoto laakii sii badiya waaba jahawareer marka lays daba meereysto oo hadba meel loo qamaamo in qaab beeleedkii dibloogu noqdo oo axsaabtu isku diga rogto qaab xisbi iyo beel iyo xisbi iyo bee loo sida hada ardaaya qaar u yidhaahdo dowladii hadaanu ardaa hebel nahay nalaguma darin in bari la odhan doono hadaanu ardaa hebel nahay xisbibaanu rabnaa ileen ardaa hebel iyo ardaa hebelba 2 iyo 3 xisbibay leeyihiine anaguna waa inaanu xisbi ama 2 yeelanaa waxa la yidhi nimaan waxa soosocda garani waxa jooga ma garto. Markaa inoo dejiya oo 3 xisbi ee aynu leenahay wey inagu badan yihiine bilaa calayk 2 inooga dhiga

Waxani waa inaan dalka xukumo ayey xarraarad ii haysaa oo xisbi xeelad looga dhigaayee wax dalka iyo dadka dani ugu jirto maaha.

Wabilaahi towfiiq.

Illaahay ayaa Mahadleh Midnimana somaliland

Qalinkii Fuaad khadar Fartaag

fartaagwadani@gmail.com


This post has been viewed 2169 times.

Categories: Audio & Video, Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright