Hargeysa (Halbeegnews)– Muuqaalkani waa markii maanta Askari ilaalo khaas ah u ah Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur uu garba-duub u qabtay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ee xisbiga KULMIYE, haddaba waxaanu ka codsanayna dhamaanba shacabka Somaliland qofkii haysta magaca Askarigaasi, cidduu yahay, halkuu degenyahay iyo macluumaadkiisa inay Halbeegnews usoo gudbiyaan si aanu u bandhigno.
Waxaanu halkani ku soo gudbinayna Askarigaasi oo dabcana amar qaadanaya oo Cabdiraxmaan si foolxun labada gacmood iskugu duubay taasi oo ahayd markii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Nabarku gaadhay, fadlan noo soo gudbiya Askarigaasi magaciisa oo seddexan.
ku soo gudbiya halbeegnet@gmail.com ama halbeegnews24@gmail.com
Waxaanu idiinka ballan-qaadayna inaanan shaacin doonin macluumaadkiina xogta idinka (soo gudbiyaha) iyo anaga na dhex marta waxay noqon doonta sir labadeena inoo dhexaysa, muuqaalkani iyo muuqaalo badan oo la uruuriyey oo ka mid ah falalkii maanta dhacay waxaa loo gudbin doona Amnesty International iyo Dawladda Ingiriiska.
This post has been viewed 2723 times.







