London (Halbeegnews)– Haayadda ugu weyn xuquuqda Aadamaha dunida ee Amnesty International oo xarunteedu tahay magaalada London ayaa aqbashay caawa fiidkii inay geliso diiwaankeeda ballamaha dacwad ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taasi oo ku saabsan tacadiyo ka hor imanaya xuquuqda aadamaha (Human Rights Act) oo iskugu jira Xadhig, Garaacis, Hantidaad, Ceebayn iyo weliba dhaawacyo loo gaystay shacabka Somaliland, salaadiinta, siyaasiyiin iyo waxgarad.
Haweenayda madaxda u ah Amnesty International qaybta Afrika Benedicte Goderiaux ayaa waxay ballan qaaday inay kulan la qaadato Wakiilo reer Somaliland oo is abaabulay si ay arrintani dacwadda ah uga gudbiyeen Xukuumadda Somaliland, waxaana sidoo kale kulankaasi ka qayb geli doona wakiilo ka socda waaxaha Wasaaradda Arrimaha gudaha dalka ingiriiska (Home Office), Wasaaradda xidhiidhka caalamiga ah (DFID) iyo wasaaradda Cadaaladda dalka ingiriiska (Ministry of Justice).
Kulankani ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi doona muuqaaladii ugu danbeeyey ee ku saabsana tacadiyadda lagula kacay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ciidamadda Booliisku ay dhulka jiid-jiideen taasi oo isla caawa fiidkii muuqaaladaasi la daawadsiiyey haweenayda madaxda uga ah Amnesty International qaybta afrika Benedicte Goderiaux oo markii ay daawanaysay ilmo ku soo istaagtay
Arrintani Dacwaddani ayaa haddii ay Amnesty International aqbasho waxaa loo gudbin doona guddida xuquuqul insaanka qaramada midoobay, Maxkamadda caalamiga ah ee ICC, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska, waxaana dhibanayaasha uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid yahay xaq loo siin kara inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda Siilaanyo ka furan karaan gudaha dalka ingiriiska.
Arrintani ayaa haddii ay dacwad gasho waxay halis u tahay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Xukuumadiisa in laga xayiro dhinaca socdaalka iyadoo sharciyadda dhinaca xuquuqul insaanka ee midawga yurub uu damaanad qaadayo in haddii lagu caddeeyo danbi masuul dal kale aan loo ogolaan karin inay yurub yimaadaan.
Halbeegnews Waxay idiin soo gudbin doonta muuqaal Video qaabka kulankasi uu dhawaan u dhaco iyo weliba marka nuquladda loo gudbiyo Amnesty International La Soco
Halbeegnews, London
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 859 times.







