Maamulka Somaliland ee degmada Badhan oo si wadajira shirjaraaid ugu qabtay degmadaas

Posted by on Mar 19th, 2011 and filed under Audio & Video, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Badhan (Halbeenews) 19/03/2011 waxa maanta si wada jira shirsaxaafadeed ku qabtay magaalada badhan gudoomiye kuxigeenka degmada badhan, Taliyaha ciidanka iyo Duqa magaaladaas, shirkan saxaafada loogu talo galay ayaa waxa uu ku saabsanaa xaaladaha abaaraha nabadgelyada iyo horumarka

ugu horayna waxa hadal ka jeediyey kuxigeenka gudoomiyaha Badhan ee gobolka Sanaag Maxamed Faarax Cumar gudoomiye kuxigeenka ayaa reer badhaneed ugu bushaareeyey in madaxweyne Axmed SIILAANYO ugu balan qaaday in degmada laga qodayo ceel isla markaana waxa uu shacabka u soo jeediyey inay ka qayb qaataan horusocodka ay la magan tahay dawladoodu.

Moyarka magaalada Badhan Maxamed A. Cusmaan Bulbul ayaa aad uga dayriyey xaalada abaareed ee degmada ka jirta isla markaana haayadaha iyo xukuumadaba ugu baaqay inay gargaar degdega la soo gaadhaan shacabka deegaankan,

taliyaha degmada Badhan mudane Yaasiin Cusmaan Saalax ayaa aad ugu dheeraaday xaalada amaanka ee degmada, waxaanu sheegay in si weyn loo adkeeyey islamarkaana ay tahay amaan degmadu dadkana waxa uu u soo jeediyey inay ka qayb qaataan

Jaamac Cumar
halbeegnews Sanaag
halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1858 times.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright