Hargeysa (Halbeegnews)– Hotelka Summer Time ee caasimadda Hargeysa caawa waxaa ka dhacday xaflad ay soo qaban-qaabisay Madaxtooyada Somaliland oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta madaxtooyadu kulankani oo loogu jawaabaayey Abwaanka geyiga Somaliland caanka ah ee Weedhsame, Maanso uu tiriyey dhawan oo la magac baxday Gunaad

Abwaanka Da'da yar ee Reer Hargeysa iyo Beesha Uu Ka Soo Jeedo Oo Caawa Aan Aflagaado Loogu Kala Hadhin Sawirkani Waa Abwaan Weedhsame
Munaasabadani caawa ka dhacay hotelka Summer time oo Madaxweyne Siilaanyo u xil saaray Agaasimaha xidhiidhka golayaasha ee xarunta Madaxtoooyada Bashiir Xariir ayaa waxaa munsaabadaasi gabayga jawaabta ah bixinaayey Nin ay Xigto sokeeye ah yahiin Madaxweyne Siilaanyo laftigiisa oo la yidhaahdo Dhuux, kaasi oo ay reer Hargeysa caawa ugu yeedhayeen (Prepaid) ayaa waxay maansadaasi gebi ahaanteed xanbaarsanayd cay, aflagaado, cirdi weerar, iyo qabiil nacayb lagu weeraray Beesha degta Galbeed caasimadda Hargeysa (Sacad Muuse) oo uu ka soo jeedo Abwaanka da’da yar ee reer Hargeysa ee la yidhaahdo Weedhsamo oo isagu dhawaan Maansadii caan baxday ee Gunaad ku daah-furay hotelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.
Arrintani ayaa layaab ku noqotay badiba dadkii lagu soo casuumay iyo weliba dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa waa marka koobaad eh layaabka ay arrintani mudnayd ayaa ahaa muddada intaasi le’eg ee ay ku qaadatay Madaxtooyadu inay ka jawaabto maansadii Gunaad iyo weliba qaabka daciifnimada iyo qabyaaladda qaawani ka muuqato ee ay uga jawaabeen iyo weliba shakhsiga loo soo xulay inuu ka jawaabo oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo.

Bashiir Xariir ahna Xidhiidhiyaha golayaasha ee Madaxtooyada oo ah Masuulka loo xil saaray munaasabadani lagu abuuraayey gabay qabiileedka ee ka dhacay hotelka Summer Time
Madaxtooyada uu dugsado Madaxweyne Siilaanyo oo ku taalla xaafadda Shacabka ee caasimadda Hargeysa oo ah deegaan ay u badanyahiin Beesha lagu aflagadaynaayey geeraar qabyaaladeedkani ayaa waxay muujinaysa Madaxdii iyo madaxtooyadii qarranku siday iskugu bedeshay goob laga soo unko lagana soo dhiso curfiga qabyaaladda, necaybka iyo kala qaybinta shacabka Somaliland ee usha iyo diirkeeda ah.
Waxay kale oo tani tustay sida xubnahii Madaxweyne Siilaanyo u cugtay xarunta madaxtooyadu aanay uga xishoonaynin qabyaaladda iyo kala qaybinta shacabka isla markaana iyagoo kalsooni weyn isku qaba ay hoteladda Caasimadda Hargeysa ka dhex abaabulayaan cirdiga, qabiilka iyo necaybka ummadda reer Somaliland, gorfeeyayaasha siyaasadda Somaliland ayaa ku macneeyey inay arrintani horu-dhac u tahay burburka Xukuumaddii Siilaanyo oo inyar u jirta inay afka dhulka darto
Waxaanu Halkani idiinku soo gudbinayna Maansadii Gunaad ee uu tiriyey dhawaan Abwaanka da’da yar ee caanka ah ee Weedhsame, haddaba Maansadaasi oo u badnayd hogo tusaalayn Dhegaysi Wacan
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
This post has been viewed 2079 times.






