Waxaan aad iyo aad u salamayaa halbeegnews iyo howl wadeenadeeda gudo iyo dibadba…
Tan iyo intii uu ku guulaystay talada dalka Xibiga muxaafadka ah ee KULMIYE ahna hogaamiyaha Umada Somaliland waxaa isa soo taraayay xam xam iyo xan badan oo la isla dhex marayay taasi oo ah furashada ururo siyaasadeed si ay ugu soo gudbaan xisbiyo Qarran.
Runti wa mowduuc aad u baladhan furashada ururo siyasadeed aniga horteyna aad ayaa looga hadalay balse waxaan isku yara dayayaa in aan ka yara eego danta inoogu jirta waxyabaha ay ina dhaxalsiin karto iyo faa’idada ay u leedahay bulshada Somaliland…
Danta inoogu jirta…
Waxaan filaayaa in aanay jirin baahi loo qabo in maanta la furo ururo siyaasadeed oo lagu kala tartamo runti waxaa jira sadex xisbi qaran oo umadu ay soo dooratey kuwaasi oo la odhan karaayo.. waxaa ka dhex jira dimuqraadiyad aad u baladhan.. tusaale ahaan hada Xisbiga KULMIYE wuu wareejieyey gudoomiye nimadii xisbiga oo waxa lagu wareejieyey.. Muuse Biixi Cabdi oo hada ah Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE… Xisbiga Mucaaradkaa ee UDUB isagana waa looga fadhiyaa.. in uu wareejiyo gudoomiya nimda xisbiga.. Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada ee UCID isaguna waxa u ku talo jira in uu wareejiyo sida aynu ina badan ka maqalnay gudoomiyaha xisbigaas eng Faysal Cali Waraabe..intaasi oo dhan waxa ay inoo cadaynaysaa in ay ka dhex jirto dimuqraadiyad buuxda xisbiyada dhexdooda, taasi oo marag ma doon u noqonaysa in aanay xisbiyadu u af duubnayan cid gaaara sida ay ku andacoonayaan dadka xusul duubka ugu jira in ay furtaan ururo siyaasadeed.. waxaa halkaasi inooga cad in aanay jirin baahi loo qabo in la furto ururo siyaasadeed taasi wa aniga fikirkayga gaarkaa.. adigana sibay kula tahay ka duwan tayda akhriste..
Waxyaabaha ay ina dhaxalsiin karto..
Waxayaabaha ay ina dhaxalsiin karot waxa ka kow ah inaga oo dib u noqona oo raadkeena dib u raacna oo dib waliba ugu noqona tolaay yaa reer hebelaay!! halka aynu manta ka higsanayno tolaay yaa beesha caalamakaay… maxaad noo ictiraafi waydeen?.. taasina waxay inagu tahay nusqaan iyo dib u dhac ku imaanay mujtamaca Somaliland iyo Qaran nimadeen runti.. wayo? Marka loo kala jajabo Beelo Beelo ee Beel waliba ay furato urur siyaasadeed waxay inagu ridaysaa runti meel aynu in badan ka so hayaanay oo aynu soo dhaafnay runtii…
Yaa dabada ka riixaaya arinkan in la furto rururo siyaasaded?
Waxaan qabaa oo waliba ila qabtaa in badan oo ka mid ah bulshada Somaliland ta ugu horeysa in ay tahay Xisbiga KULMIYE oo ku balan qaaday in uu furaayo ururo siyaasadeed laakin aan markaasi wax badan ka eegin cawaqibka ka iman kara kaliyta ay ahayd in u kaanbaynka ku galo… maantana aad moodo in wax aanu filanaynin kaga so baxeen … waaxaa kale oo soo raaca dad la odhankaro waxay ka cadhoodeen sadexda xisbi oo ay ka wayeen ujedooyinkii iyo hadafyada ay ka lahaayen … dabadeeto ay qaadten in ay ka faa’idaystaan qodobkaasi uu Xisbiga talada hayaa ku balan qaaday.
Gunti iyo gabagabadii waxaan odhana lahaa somalidu waxay tidhaahdaa (salad walbwa wakhtigeeda ayaa la tukadaa) aynu la sugno xiligeeda iyo wakhtigeeda oo ah markaynu ku aragno sadexdeena Xisbi Qarran isku dheeli tirla’aan… iyo Cid jecelaysi iyo Dana gaara .. laakin inta ay sidan yahiin ee ay iyaga dhexdoodu Dimuqraadiyadu ka hanaqaaday, waxaan qabaa in aynu ka dayno xag xagashada iyo wax aan loo joogin maanta in aynu keeno….
Waxaan qaba in a ay ila qabaan fikirkan in badan oo ka mid aha bulsha waynta Somaliland waxanan qabaa in ay igaga soo horjeedaa in kale oo abdan iyaguna kaliyaata waxaan u dan lahaa waxaa weeyaan in layala wadaago fikirkayga runtii..
Wabilaahi tolwfiiq
This post has been viewed 1461 times.







