waxa jira akhristayaal cilaajka taageersan,qaar dhex,dhexaad ah,iyo qaar hawlahooda iska wata oo arimihiisa aan inta badan daneyn.waxaan haddaba qoraalkan ku eegayaa sida uu ila muuqdo cilaajku waana qoraal dhex,dhexaad ah.
macnaha ereyga cilaaj,waa daweeyn.waana eray carabi ah,waxana marka dadkeenu ay maqlaan maskaxdooda ku soo dhici karta meel wax lagu daaweynaayo.haddaba cilaajku ma xarun caafimaadbaa ,ma xarun dawo dhaqameedbaa,mise waa xarun lagu qabto hawlo la xidhiidha labadooda oo la isku daray.
Cilaaj vs Cisbitaal
maxay ku kala duwan yihiin daaweynta laga helo xarumaha caafimaadka iyo cilaajku?
waxay ku kala duwan yihiin,xarunta cilaajku waxay wax ku daaweyneysaa hab diini ah ( Sunnaha Rasuulka (SCW) iyo Quraanka) dhir,ama dawo dhaqameed,malab,toobin iwm.
halka cisbitaalku uu wax ku daweynaayo,dawooyin ay ka mid yihiin kiniino,sharoobooyin,vitamino,irbado,waxaaney adeegsadaan mararka loo baahdo qalabo ay ka mid yihiin shaybaadh,X-ray,computer scan iwm.marka cusbitaalada la joogo hawsha daaweynta waxa fuliya dhakhaatiir aqoon iy waayo-aragnimo u leh,jaamacadna uga soo baxay,iyo kalkaaliyayaal tababaran.halka cilaajka hawsha daaweynta ay qabtaan,dad hawsha daawenta ee ay wadaan in ay jaamacad uga soo baxeen iyo inkale la isweydiin karo.inkasta oo la odhan karo wa xirfad qaarkood ay aqoon u leeyihiin.
Waxa waayadan danbe aad ugu soo badanaya caasimada hargeisa,xarumaha loogu yeedho cilaajyada kuwaasi oo bulshada u qabto adeegyo la xidhiidha dhinaca caafimaadka,cilaajyadaasi oo noocyo kala duwan leh,adeegyo kala duwana lagu qabto.meelo badan oo ka mid ah suuqyada,iyo gaar ahaan xaafadaha magaaladaba waxaad ku dhex arkeysaa xarumaha cilaajyada oo degan,kuwaasi oo tiradoodu ay sii fideyso.xarumahaasi aynu cilaajyada ugu yeedhnaa way kala caan san yihiin,weynka kala weyn yihiin,waxaana jira kuwa yar yar,oo aan weli caan noqonin,halka qaar kale oo ka mid ah xarumahaasina ay yihiin kuwo caan ah.waxa sida dhakhtarada kaleba soo fadhiista ama furtay qaar ka mid ah bulshada kuwaasi oo sida la maqlo ah kuwo xidhiidh la leh barashada diinta .kuwaasi oo sida ay bulshada u soo bandhigaan sheega in ay awood u leeyihiin in ay daweeyaan xanuun kasta oo kaa haya meel kasta oo jidhkaaga ka mid ah,sidoo kale waxa ay intooda badani ay bulshada u soo bandhigaan wargelin ah in aad ka heli karto dawooyin badan oo lagu daaweyn karo xanuuno badan.
Isku daaweynta sunnaha Rasuulka SCW iyo kitaabka quraanka ah,iyo sidoo kale dawo dhaqameed dhir u badan ayey u adeegsadaan fariin marka ay rabaan in ay bulshada u sheegaan habka ay qofka ku daaweyn doonaan marka uu u yimaado.runtii barashada iyo fahanka isticmaalka adeegsiga dhirtaasi waa mid u baahan in wax laga ogaado sidaan qabo.
waxa xaqiiqo ah in runtii ay jiraan dad badan oo si toos ah ugu xidhan ama aaminsan cilaajka iyo daaweyntiisaba kuwaasi oo laga yaabo in ay hore ugu tageen,halka qaar kale oo badana laga yaabo in ayna xiiseyn amaba ayna weli u tegin xarumahaasi,waxanan runtii aaminsanahay in haweenku ay yihiin cidda ugu badan ee cilaajyada inta badan amaanta ama tagta,kuwaasi oo xitaa caruurtooda jiran u geeya.waxa kale oo jirta in dadyow lagala soo quustay dawooyinkan cisbitaalada kale lagu tijaabiyo ta cilaajkana,amaba aad arki karto qof marka uu xanuunsado cilaajka tagaya halkii uu cisbitaalka ka tagi lahaa.waxase jiri karta in la heli karo dadyow badan oo cilaajka laftiisu aanu waxba u tarin.
sida cisbitaalkuba leeyahay,cilaajkana waxa loo goosta ama lagu galaa lambar laga bixiyo lacag,waxaana jirta in marka qofku ka soo baxo ee dawo loo soo qor haddana laga qaadaayo lacag kale oo la xidhiidha dhirta ama dawooyinka kale uu qaadan doono,wakhtiyada shaqadu sidaan qabo waa labada gelinba,waxana jirta in sheekha mar kale jawaabo lagu soo celiyo la xidhiidha sida loo soo isticmaalay dawadii iyo waxtarkeedaba.waxa jira sidaan filaayo sheekhyo xarumaha cilaajyada qaarkood leh,oo bulshada caan ka ah,kuwaasi oo meelo kala duwan oo wadanka ah looga kala yimaado.waxa jira dadyow badan oo ka mahad sheeganaya xarumahaasi oo ilahay ku shaafiyey ku daaweynta Sunnaha Rasuulka(SCW),Quraanka,dhirta dawo dhaqameedka ah,casharada la cabo iwm.halka ay jirto in dadyow kalena ay kuba sii xanuunsadaan dhirtaa kala duwan ee loo soo qoraayo.
runtii waan dareemi karnaa dhibta xanuunku leeyahay,iyo fa,idada iyo farxada ku jirta caafimadka iyo sixada intaba,waxaana xaqiiqoah in qofku marka uu buko meelo badan lagula wareegi karo si loogu helo maaro iyo dawo intaba xanuunka asiibay,taasi oo xitaa keeni karta in socdaal dheer loo galo raadinta dawada xanuunka bugsiineysa.sida aan in badan ku arkey boodhadhka xarumaha cilaajyada waxaan halkan ku qori doona qaar ka midah xanuuno ay sheegaan in ay wax ka qabanayaan kuwaasi oo kala ah
jinka
sixirka
falka
isha
toobinka
dhiig karka
macaanka
dhabar xanuunka
babaasiirta
suuxdinta
waalida
neefsashada
faaliga
gaasteriga
jabtida
kalyo xanuunka
madax xanuunka
jilba xanuunka
xanuunada dumarka
duugista muruqyada
la soco qeybta danbe oo aan halkaasi ka sii ambaqaadi doono haddii ilahay yidhaahdo.
Abdifataah Mohamed Ahmed
ceelaabe_10@hotmail.com
This post has been viewed 1852 times.







