Xagla-toosiya Oo Cidla Diray Laba Wasiir Oo Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan Iyo Xeer Ilaaliyaha Jibouti Oo Kala Baxay Kulan Uu Lahaa Wasiiradda

Posted by on Mar 1st, 2012 and filed under Audio & Video. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Djibouti (Halbeegnews)–horboodihii hore ee kooxdii SSC  xagla-toosiye ayaa la sheegayaa inuu khiyaameeyay labadii wasiir ee Somaliland ee dhawaan Jabuuti tagay kuwaasoo lala xidhiidhiyay ujeedada Socdaalkooda sidii ay u soo xero galin lahaayeen Xagla toosiye balse sida ay wararka soo baxayaa iftiiminayaan waxa ku dhacday khiyaamo cad kadib markii ay ku wareejiyeen lacag ay ku soo dabayeen.

Sida ilo xogogaal ahi Waaheen u xaqiijiyeen khiyaamada lagu sameeyay Wasiiradda Somaliland waxa sabab u ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dawladda Jabuuti Jaamac Saleebaan oo la sheegay inay isku beel yihiin Xagla Toosiye, kaasoo markii uu ogaaday heshiiskooda Hudheelkii ay ku shirayeen ka kaxaystay Xagla Toosiye gurigiisana geystay.

Talaabada Xeer ilaaliyaha Jabuuti ku kacay ayaa la sheegay inay af-kala qaad ku noqotay Wasiiraddii Somaliland kuwaasoo markii danbe ee ay arrintu cuslaatay fara-madhnaan kala soo huleelay Jabuuti isla markaana af-ka xidhay si aan loo ogaan dhibaatada ku dhacday.

Ilaa hada si cad looma oga qadarka  lacagta ah ee ay wasiiraddu siiyeen Xagla-toosiye hase yeeshee sida lagu baahiyay Shabakadaha qaarkood waxa lagu qiyaasay boqol kun oo Dollar. Taasoo ujeedada loo siiyay xagla-toosiye ay ahayd inuu qabto shir jaraa’id oo uu ku taageerayo Somaliland isla markaana uu ku canbaareeyo kooxda Cali Khaliif.

Dhinaca kalena Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo u waramay Mareegta Allssc ayaa beeniyay inay kulmeen Wasiiradda Somaliland waxaanu sheegay Jabuuti inuu u joogo hawlo la xidhiidha Cisbitaalkiisa Buuhoodle, isagoo ku dhawaaqay Nabad in lagu soo dabaalo xaalada deegaanka

Dhinaca kalena warar aanu ka helayno dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inuu baaqday kulan saaka ay qurbajooga gobolka Sool la lahaayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo. Taasoo la sheegay in lagu wargeliyay uun xalay. Iyadoo lagu wargeliyay in ay la kulmi doonaan koox uu hogaaminayo Muuse Biixi balse sida ay sheegayaan warar xogogaal ahi arrintaasi inay baajisay rajo laga qabay in wadahadalada halkaas ka soo unkamaa xal u noqon lahaayeen khilaafka ba’an ee beeshaas iyo Somaliland u dhaxeeya.

Xigasho Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 4123 times.

Categories: Audio & Video
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright