Madax Dhaqameedkii Soomaaliya Ka Yimid Oo Khilaaf Dhex Gallay Darteed Laba U Kala Jabay, Kuwii Beesha Hawiye Oo Cadho Darteed Xamar Dib Ugu Noqday,Iyo Qaybtii Iskugu Jirtay Raxanweynta Iyo Daaroodka Oo Hargeysa Ku Hadhay Sheegayna Inay Aqbalsanyahiin Inay Somaliland Madax Banaanideeda Xaq U Leedahay

Posted by on May 13th, 2014 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

oday dhaqameed

Sallaasa 13 May 2014 Hargeysa (HALBEEG)–Labaatan xubnood oo ka mid ahaa Odayaal dhaqameedyo ka soo kala jeeday beelaha dalka Soomaaliya oo Somaliland u yimid sababo aan la garanaynin, isla markaana wararka soo baxaya ay tibaaxayaan in laga soo diray xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayna ku socdeen mashruuc uu dalka Turkiga maal gelinayo oo ay ka wada shaqeeyeen wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan (Xirsi Gaab) iyo wasiirka amniga Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa wararka Halbeegnews hellaysa tibaaxayaan in xubnahaasi ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho iyagoo khilaaf soo dhex gallay qaybtii kale.

labaatanka xubnood ayaa  ka soo jeeda beesha Hawiye, waxaana la sheegay in khilaaf horleh uu ka dhex qarxay odayaal dhaqameedkii ku wehelinaayey safarkooda ee beelaha Digil iyo Midhifle, Beesha Daarood iyo beesha Dir oo iyagu ku hadhay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Wararka Halbeegnews hellayso ayaa xaqiijinaya in labaatanka   xubnood ee madax dhaqameedka beesha Hawiye ee Xamar dib ugu laabtay ay ka cadhoodeen ka dib markii odayaasha kale ee beelaha kale ee safarka ku wehelinaayey ay diideen inay kala hadlaan dadka reer Somaliland midnimada Soomaaliya.

Qaybta laabatay oo tiradoodu gaadhayso  labaatameeyo xubnood oo jufo ahaan ka soo jeedda beesha Hawiye isla markaana ay hoggaaminayeen laba xubnood  oo la kala yidhaa Axmed Diiriye Cali iyo Maxamed Warsame Xaad ayaa iyagu sifo aan la garanayn ugu noqday shalay magaalada Muqdisho, kadib markii ay habeen hore markii ay ka soo laabteen socdaal ay Boorama ku tegeen maalinnimadii la shir yimaadeen mawqif ka duwan kii ay Weftigooda 50ka xubnood ahaa ku wada socdeen. Haddaba In kabadan 30 xubnood oo kamid ah Weftiga Madax dhaqameedka ah ee Hargeysa ku hadhay kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo kala jeeda beelaha Soomaaliyeed ee dega gobollada Koonfurta iyo kuwa badhtamaha dalka Soomaaliya ayaa shir ay warbaahinta u qabteen shalay kaga hadlay mawqifkooda, isla markaana caddeeyey inaanay fikir ahaan la qabin ujeedada garabka muqdisho kulaabtay.

Madax dhaqameedka Oo Shalay hadhimo ay Dallada SONSAF u samaysay kadib la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in weftigooda ay hoggaaminayeen shan xubnood oo ay madax dhaqameedku wakiisheen intii aanay Somaliland soo gaadhin, hoggaankaasna afar ka mid ahi ay weli joogaan, balse xubin keli ahi noqotay, sidaas darteed shacbiga Somaliland ay ka raaligelinayaan is bedelka ku yimi Madax dhaqameedka Muqdisho.

Madax dhaqameedku waxa ay shacbiga, waxgaradka iyo dawladda Somaliland ugu baaqeen inay kalsooni ku siiyeen inta joogta ee weftiga ah, kuwaas oo  wixii farriin ah ee ay u dhiibaan si toos ah u gaadhsiin doona dadkooda marka ay laabtaan.

Ugu horeyn mid kamid ah waxgaradka shirka jaraa’id ka hadlay ayaa isaga oo ku halqabsanaya su’aal ay salaadiinta Somaliland weydiiyeen ku jawaabay “Walaalayaal Suldaanku (Xiirey) Su’aal buu na weydiiyey, annagu waxaanu ahayn  dad badan oo Soomaaliyeed, dadkaas waxaa hoggaan u ahaa   shan qof, oo salaadiin, waxgarad iyo boqorro ah, shantiina hal nin baa tegey  intii kale way joogaan ha werwerina, waxaanan u joognaa wixii aanu u nimi inaanu dhamaystirno salaadiinta iyo  aqoonyahanka Somaliland farriinta ay na faraan inaanu u gudbino Soomaaliya. Waxa kale oo aanu u joognaa maalinta idinka (Somaliland) agtiina qiimaha weyn ku leh ee calankaas [Towxiidka] Laa-illaaha Illa-laah ay ku qoran tahay aad taagteen farxadda maalintaas inaan idinkala qayb galno ayaanu u joognaa”. Sidaa waxaa yidhi mid kamid ah weftiga Madax dhaqameedka Soomaaliyeed ee Hargeysa ku sugan ee iyagu shalay  Saxaafadda kula hadlay Hotel Maansoor oo Dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF qado-sharaf ugu samaysay.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu  waxgaradkani intaa ku daray mar uu ka hadlayay qayb kamid ah Weftigooda oo fikirkii ay ku wada socdeen u beddelay ujeedo aan la garanayn kuwaas oo dib ugu laabtay Muqdisho “dadku haddii ay badan yihiin oo ay safraan qaar baa dano iska yeesha, qaar baa iska tegi kara laakiin waxaanu rabnaa inaanu idiin sheegno    inta joogta waa duubkii rasmiga ahaa ee dadkii socday duubabkoodii ahaa ilaa idinku aad fasaxdaan oo aad eeriboodhka ka ambabixisaan iska bixi maayaan. Waxaa la rabaa martidu inay edeb lahaato, waxaa la rabaa inay  fuliso ballankii ay qaaday. Annaga waxa na marti qaaday maalintii u horeysay dhaqanka Somaliland, waxaanay noo sheegeen waxa ay Somaliya ka rabaan, waxaa ku xigtay dhalinyarada waxay noo sheegeen waxay Soomaaliya ka rabaan. Annaguna Madax dhaqameed ahaan waxaanu rabnaa inaanu dadkayagii iyo Somaliya u sheegno farriinta ay reer Somaliland iyo Dawladdoodu noo dhiibaan, wixii ay naga doonayaan ee wanaag ahna u sheegno. Ugu dembeyn waxaan idin leeyahay dad baa iska tegey laakiin annagu qabiil ma nihin ee waxaanu nahay qaran Soomaaliya ah, qarankii Soomaaliyana dadkii metelayayna way idinla joogaan, waxba yaan warka laysku dardarin, annagu ballan baanu qaadnay maalintii u horeysay ee aanu Salaadiinta Somaliland is aragnay, maalintaas su’aal baa nala weydiiyey, waxaananu nidhi su’aashaas dib baanu uga jawaabaynaa, waananu ka jawaabi doonaa. Dadka Somaliland-na dad wanaagsan weeye waxaananu ku faraxsanahay nabad-galyada, dawladnimada, anshax wanaaga iyo horumarka ay gaadheen, waananu idinku hambalyaynaa. Inaad dawladnimadiina inaad la go’daan rabtaan waanu sheegaynaa inaynu is kaashano inaad rabtaan waanu sheegaynaa, cidna ka biqi mayno, waxaad na fartaan waanu geynaynaa, waananu soo noqon doonaa annaga oo jawaabteeda sidna ee ha werwerina ”.

Dhinaca kale  Xoghayaha Weftigan Ugaas Cabdi Yacquub oo halkaas ka hadlay waxaa uu yidhi “Immika Guurtidan Soomaaliya ka timi waxa xoghayn u ahaa nin kale maantase waxa xoghayn u ah anigoo ah Ugaas Yacquub oo odayaashu ii doorteen inaan xog hayn u noqdo. aniga aabahay baa odhan jiray wax allaala oo dhacaa wax bay u roon yihiin” sidaa ayuu yidhi Ugaas Yacquub, waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata, “Somaliland Waa Dawlad, wixii aanu aragnay baana noogu filan, ilaahay baana idinku garab galay waxaad haystaan, waxaad doonaysaanna illahay ha idiin fudaydiyo isaga uun baa dhamaystiraya”. Waxa isaguna halkaas ka hadlay Oday dhaqameed kale oo kamid ah weftiga waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ hadal badan umaan kicin, laakiin waxaan leeyahay waxaanu aragnay wax la qarin karo maaha, wax annagu aanu qarsanaynana maaha, waanu sheegaynaa, waxa aad idinku (Somaliland) nagu shubteenna, dadka aanu ka nimi baanu ku shubaynaa,  waayo Afrika wax ma qorto ee wey dhegeysataa, wixii aanu annagu dhegaha ka maqli jirnayna dhaayahaanu ku aragnay, waxaanu ku qasbannahay  in dadkii aanu ka nimi ee aanu salaadiinta u nahay ku shubno waxaanu aragnay.

“Waxaan halkan ka sheegayaa Soomaalidu way iska warqabtaa waayo guluf xantiisa  wuu ka war hayaa, idinku waxaad ka dhaqan tihiin oo aad ka dhisan tihiin  waxa weeye, qaybta dhaqanka (Golaha Guurtida iyo Dhaqanka), annaga waxa na xooggay siyaasiyiin oo nimankii dhaqanka aan u ogolayn doorkoodii  siyaasadeed inay qaatan, Illaahii idin haleeshiiyey baana mahadaa leh”.

Oday dhaqameed kale oo  halkaa ka hadlay ayaa isna yidhi “Waxaan idiin sheegayaa reer Somaliland haddii Ictiraaf xagga sare uga qoran tahay Oo Illaahay  u qadarayo oo uu u abuuray oo Lawxu-maxfuudka ugu qoran tahay, annagu waxaanu Illaahay uga rajaynaynaa Inuu soo dedejiyo, annagu idin xaasidi mayno”

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com


This post has been viewed 724 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

4 Responses for “Madax Dhaqameedkii Soomaaliya Ka Yimid Oo Khilaaf Dhex Gallay Darteed Laba U Kala Jabay, Kuwii Beesha Hawiye Oo Cadho Darteed Xamar Dib Ugu Noqday,Iyo Qaybtii Iskugu Jirtay Raxanweynta Iyo Daaroodka Oo Hargeysa Ku Hadhay Sheegayna Inay Aqbalsanyahiin Inay Somaliland Madax Banaanideeda Xaq U Leedahay”

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

56 visitors online now
36 guests, 20 bots, 0 members
Max visitors today: 86 at 01:08 pm UTC
This month: 145 at 10-01-2014 01:15 pm UTC
This year: 250 at 05-29-2014 09:50 pm UTC
All time: 625 at 10-21-2012 12:50 pm UTC
Onlined by Halbeegnews.com Copyright