Odayaal Dhaqmeed Ka Socda Magaalda Muqdisho Oo ka Soo Dagay Garoonka Hargaysa Iyo Madax-weynaha Somaliya Oo Soo Diray.

Posted by on May 8th, 2014 and filed under today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

imagesHargaysa(Halbeegnews) waxaa shalay si qarsoodi ah ku yimid magaalada Hargaysa In ka baddan 45-odey dhaqammeed oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye oo ka yimid Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka soo dagay garoonka Diyaaradaha Ee Magaalda Hargaysa.

sida ilo wareedyo u dhuun daloola aanu ka helayno, waxaa la sheegayaa in madax-dhaqmeedkani u socdaan soo celinta midnimada labbada dal ee somalilan iyo somaliya taasi oo ay waliba mar marsiyo uga dhigayaan in laga aas aaso hargaysa, xukunkana lagu wareejiyo inta ugu badan.

Sababta Xiligan arrintan keentay ayaa lagu sheegay in Dawlada Somaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud ay soo food saartay Culeys Dublamaasiyadeed oo kaga yimid waddamada reer Galbeedka kuwaasi oo ku eedeyey madaxweynaha somaliya in uu dawladiisi ka Buuxiyey Kooxda Damujadiid oo dawladaha reer galbeedku ka muujiyeen cabsi weyn, kuwaasi oo ka dalbaday in uu baneeyo kursiga madaxtinimada basle waxa la sheegay in uu ka diiday soo jeeedimo badan oo waddamadaasi ka soo gaadhay, waxa wararku intaasi ku darayan in shirkii ugu danbeyey ee dalka jabuuti ay ku wada yeeshen madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Djabuuti ismaaciil Cumar Gelle uu Madaxweynaha DjAbuuti uu Xassan sheikh maxamuud u gudbiyey warqad ay soo qoreen Waddamada reer galbeedku oo ay ku codsanayaan in uu iscasilo balse arrintaasi madaxweyne Xassan uu ku gacansaydhay.

Taasi Badalkeeda ayaa la sheegaya in waddamada reer galbeedku ay soo dhex mareen Barlamaanka Somaliya oo Durba xildhibaano ka baddan 100 ay codsadeen in uu  is casilo madaxweyne Xassan, illaa haadda may sal dhigin Lagdanka siyaasadeed ee u dhexeya Madaxweynaha Somaliya iyo Waddamada reer Galbeedka ee dirawaliya siyaasada somaliya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in markii uu Madaxweynaha Somaliya uu arkay in kursigiisii uu qirinqiir ku jiro kana baqay in laga tuuro oo madaxweyne Cusub oo ka soo jeeda beelaha Daarood laga dhigo oo la sheegay in uu yahay nin reer galbeedku wataan waxbarashadiisna ku soo qaatay Waddanka Marykan ayaa madaxweyne Xassan Sheekh sameyey Fikrad uu doonayo in uu waji cusub u sameeyo Siyaasada Somaliya isaga oo doonaya in uu  Bulshada Caalamka u soo bandhigo in uu waddo Midnimo Siyaasadeed oo dib ay iskugu noqonayaan Labadii Gobol ee Waqooyi iyo koonfur, dhinaca kale odayaasha hawiye ee waftiga ah ayaa la sheegay in ay diidan yihiin madaxweynaha Cusub ee somaliya ee soo socda oo hore aynu u sheegnay in la filayo in Beesha Darood ka soo Baxo si arrintaasi ay uga hortagaan  ay Somaliland ugu  ku qanciyaan in ay ka faa’iideystan fursadaasi oo ay qaatan Madaxweynaha Somaliya.

 

Madax-dhaqameedkan oo duhurkii shalay ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa ayaan loo ogolayn in ay warbaahinta is arkaan, waxaana taasi ganafka ku dhuftay Maamulka Wasaaradda Duulista.

 

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaasi ayaa warbaahinta u sheegay in amar ka yimid dhinaca Wasiirka Wasaaradda Duulistu uu u dhignaa in aanay indho isa saarin madax dhaqameedkan iyo Bahda Warbaahintu.

 

Ciidamo xoog ah oo ka tirsan RRU-da iyo gaadiidka Gaarka u ah Madaxtooyada ayaa diyaar ku ahaa Garoonka diyaaradaha, kuwaas oo u galbiyay dhinaca Qasriga Madaxtooyada.

ilaa walina ma jiro wax wara oo ka soo baxay dhinaca xukumada somaliland.

 

HalbeegNews

Hargaysa/Office

 


This post has been viewed 700 times.

Categories: today's top stories
Tags:

1 Response for “Odayaal Dhaqmeed Ka Socda Magaalda Muqdisho Oo ka Soo Dagay Garoonka Hargaysa Iyo Madax-weynaha Somaliya Oo Soo Diray.”

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

79 visitors online now
64 guests, 15 bots, 0 members
Max visitors today: 117 at 08:37 am UTC
This month: 117 at 10-01-2014 08:37 am UTC
This year: 250 at 05-29-2014 09:50 pm UTC
All time: 625 at 10-21-2012 12:50 pm UTC
Onlined by Halbeegnews.com Copyright