Afarta urur ee kala ah Udhis,Badbaado,Gurmad iyo Horyaal oo xukuumadu ureebtay ujeedooyin gaara!

Posted by on Apr 24th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Haddaan wax yar ka faaloodo afarta urur ee aan kor ku sheegay waxaan u kala qaadayaa sadex weji ee xukuumada siilanyo ay ka aragtay hadaan ku horeeyo ururka UDHIS waa urur ay hogaankiisa ka muuqdaan mujahidiin ka tir sanaan jiray ururkii xaq udirirka ahaa ee SNM ku waas oo markii ugu horaysay ee somaliland laga furay hanaanka xisbiyada badan xisbiga kulmiye la aas aasay madaxweynaha hada xukunka haya waa axmed siilanyo,

mujahidiintan oo ay ka mid yihiin mujahid Ibraahim Dhegaweyne iyo Mujahid C/rxamaan aw cali faarax (Tolwa) ayaa xisbiga kulmiye iyagu hore uga baxay markii 2008 markii laysku khilaafay qofka xilka musharaxnimada madaxweyne kuxigeenka kulmiye ugu tar tamaaya dorashada soo socota, musharaxaas oo axmad siilanyo soo diyaar saday markaas madaxweyne kuxigeenka hada talada haya ee c/raxmaan saylici, khilaaf kii markaa ka dhashay musharax nimada saylici waxay xisbiga ku keentay inay ka baxaan xubno markaas xisbiga mihiim ku lahaa oo ka mid ahaa aas aasayaashii xisbiga oo ay ka mid yihiin muj; ibraahim dhagawayne iyo muj; c/raxmaan tolwaa iyo qaar kale sida axmed xuseen ciise,

hadaba colaadaas siyaasadeed ee lagu kala tegay ayaa iyadu meeshedii sidii u taalay oo aanay marnaba isku soo noqon madaxweyne siilanyo iyo mujahidiintii ka cadhooday ilaa ay gaadhay inay maanta ku waayaan jaanis koodii siyaasadeed ee ay sugaayeen mudada badan iyo xaqoodii dastuuriga ahaa ee uu siiyay sharciga aynu dhiganay ee ahaa in qofkasta oo muwaadina waxna dooran karao lana dooran karo!,

hadaba taasi waata keentay in uu madaxweyne siilanyo ugaga faa,idaysto fursadan isaga soomartay ee ah inuu awoodii dalka gacanta ku hayo iyo nimankii ay siyaasada ay ku coloobeen oo u xayd xaydan inay hogaanka dalka iska dhex arkaan mustaqbalka, ileen madaxweyne siilaanyo qof uu colaadiyo kama hadhee waxay gaadhay inuu ka tuuro mujahidinta jaran jarada siyaasada! oo uu ka reebo tar tanka ururada siyaasada ee golayaasha deegaanka ee inagu soo aadan.

hadaan iyana isku daro labada urur ee Badbaado iyo Gurmad waxaan odhan karaa waa laba urur oo isku duruufa oo labada ururba waxaa ka dhex muuqada niman dhalin yaro ah oo ilaahay siiyay aqoontii diiniga ahayd iyo tii maadiga ahayd, labadaa urur waxaa laga akhristay inay soo baxayaan oo mushtamaca reer somaliland ay taagerayaan oo hadii ay soo baxaan inaanay ku hakanayn golayaasha deegan ka kadibna ay usoo gud bikaraan hanaan xisbi oo buuxa kadibna barnaamij kooda ay ku soo dhex dari doonaan manhajka islaamka inkasta oo markii ugu horaysayba ay ku dhawaaqeen ururka Badbaado inay wax ka bedelayaan hanaanka ay u shaqeeyaan maxkamadaha somaliland oo ay bedeli doonaan waxa dalka lagu xukumo ee dhinaca maxkamadaha oo aanay qarsan hadana taasi waxay keentay inay shaki wayn ku abuurto xukuumada siilanyo oo ay ka cabsadaan in ay isu rogaan xisbi islaamiya oo qunyar socod ah sidii xisbigii masar ee akhwaanu muslimiinka sidaas ayaa labadaas ururna lugta loo qabtay,

uruka layidhaah Horyaal isaga waxaa laga dhex arkay nin maal qabeenada ingiriiska kamida asal ahaana reer somaliland ah oo ay hogaan iyo musharaxa madaxweyne labadaba u doorteen oo runtii hadii uu hogaanka dalka inoo qaban lahaa wax wayn kabedeli lahaa duruufo badan oo dalka yaal waayo waa qof haysta oo ilaahay siiyay hanti balaadhan mana aha qof baahi eryayso oo looga baqaayo inuu musuq maasuq ku kaco waa qurbo joog dalkiisa iyo dadkiisa la jecel inuu horumar gaarsiiyo nasiib daro waxaa lugta jiiday ganacsato ku xeeran xukuumada oo aan ogolayn in ay arkaan qof kale oo faham san aduunku sida uu ushaqeeyo maal gashina dalka ku samayn kara kuwaasi waxay doonayaan inay iyaga u xidh naato ilaha dhaqaale ee dalku leeyahay kuwaas oo jecel inay dadka ku dul noolaadaan ayaa dhexda kumartay inaanu soo bixin ururkaas layidhaah Horyaal,

waxaan maqaal kan ku soo xidhayaa keliya waxaynu sugnaa waa labada urur ee iminka ka dhex muuqda lixdii urur ee la ogolaaday ee noqon kara mucaarad jira oo xukuumada laxisaab tami kara oo iyana lagu reebo tartanka golaha deegaan ka si ay xukuumada ugu soo hadhaan ururada gacan ku rimiska ahi!.

Aadan axmed nuur

Dublin Ireland 


This post has been viewed 611 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

27 visitors online now
16 guests, 11 bots, 0 members
Max visitors today: 54 at 02:34 am UTC
This month: 145 at 10-01-2014 01:15 pm UTC
This year: 250 at 05-29-2014 09:50 pm UTC
All time: 625 at 10-21-2012 12:50 pm UTC
Onlined by Halbeegnews.com Copyright